Super Star Akshay Kumar waa atoore fanka Hindiya maqaam sare ka gaaray sidoo kalena guusha u saaxiib ah xiligaana awoodiisa heerkii ugu sareesay taagan tahay.

Balse aqriste Ma Ogtahay in Akshay Kumar uu maal galiyay ama soo saare ka yahay musal salka caanka ah Jamai Raja oo ay Soomaalida u taqaan “Wiilkii Sodohdiisa/Sodogtiisa La Noolaa”

Musal salka Jamai Raja waxaa hogaamiye ka ah labada jilaa Nia Sharma ( Roshni Siddharth Khurana) iyo Ravi Dubey (Siddharth Khurana) waana taxane hir galay oo TV-yada siweyn kaga gadmay.

Jamai Raja waxaa la bilaabay daawashadiisa 4-tii August 2014 wuxuuna soo idlaaday 3-da bishii Maarso 2017 sida guudna wuxuu ka kooban yahay 701-xalqo asigoo la daawanayay sedex xili oo kala duwan.

Jami Raja waxaa laga daawadaa Zee TV waxaana loo kala qeybiyay sedex qeybood sida hoos sharaxa guud laga fahmi karo:

Xiliga kowaad ee la daawaday 4 August 2014 ilaa 2 May 2016 wuxuuna ka koobnaa 471-xalqo

Xiliga labaad ee la daawaday 3 May 2016 ilaa 10 August 2016 wuxuuna ka koobnaa 85-xalqo

Xiliga sedexaad ee la daawaday 11 August 2016 ilaa 3 March 2017 wuxuuna ka koobnaa 145-xalqdo.

Akshay Kumar musal salka Jamia Raja waxaa la maal galiyeen Ashvini Yardi iyo Meenakshi Sagar waxayna isla leeyihiin shirkada lagu magacaabo Grazing Goat Pictures Pvt. Ltd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here