Amir khan waxaa lagu yeera magaca Mr. Perfectionism waana aktar ka duwan aktarada kale marka laga cabir qaato sameynta aflaamta iyo xulashada doorarka kala duwan iyadoo midaas ay tahay

sidoo kale waxa uu leeyahay dabci ugaar ah taaso in badan kaga duwan yahay shaqsiyaadka kale ee kala tirsan shirkadda Bollywoodka maanta waxan ku hayaa qiso yar taaso ka dhacday filimkiisa Super hit ka noqday ee Rangeela

aktarkan ayaa waxaa u shaqeenaayay dad kala duwan kuwaaso ku xeel-dheer naqshadaynta dharka Amir khan ayaa filimkaas waxa uu ku jilaayay door nin faqiir ah

waxaana filimkaas muuqaal ka mid ah muuqaalada filimkaas xilii Amir khan uu Urmila ku casuumaayo qado inuu soo qaadanaayo dhar wada jaalo ah sidoo kale waxa uu xirnaa kano cadaan ah

ka dib markii u dhameeyay duubista muuqaalka ayaa waxa uu yimid mid ka mid ah shaqaalaha filimkaas ka shaqeenaayay isagoo amir khan weydiistay inuu siiyo dharkaas si uu xasuus kaga dhigto

maadaama uu yahay mid ka mid ah  taageerihiisa ugu dacadsan iyadoo qof walba uu la yaabay codsiga ninkaan isagoo xitaa rabat inuu lugaha ka qabsado Amir khan

Amir khan ayaa markii hore u filaayay inay kaftan tahay hadalka laakiin markii uu ogaaday inay dhab ka tahay ayuu siiyay Isagoo dhoola-cadeenaya dhacdadan waxaa goob-joog u ahaa Director filimkaas ninka lagu magacaabo Ram gopla varma taaso Isaga qudhiisa la cajabay ficilka ninkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here