Ma ogtahay in dadka ingilishka ku hadla ee ku nool shiinaha kaliya ka badan yihiin dadka ku noola USA oo dhan iyo macluumaad kale oo xiiso leh.

0
447

MACLUUMAAD QARIIB AH OO KAA YAABIN DOONO.

AKHRISO SIINA SHARE GAREEY.

1-Muuqaalka kore ee Canabka wuxuu u egyahay Qalbiga xili miraha yar yar ee canabka ku dhexjiraan iyagana aad u shabahaan Unugyada dhiiga.

Baaritaanadaa waxay sheegeen in canabka oo la cunaa ay u roontahay qalibga iyo dhiiga.

2-Cadaadiska ugu weyn ee nafta la kulanto waa marka laguu sheegi rabo natiijo naxdin ama farxad mid leh.

Baaritaanada waxay sheegeen in 80% cadaadiskaas la kulmaan ardayda wax barata markii lagu dhawaaqi rabo natiijada imtixaanka.

3-Waxaa la sheegáa in dadka deegaanka ku ah dhulka 250sano kasta ay laban laabmaan.

Tusaale hadii dadka hada dhulka ku nool yihiin 7bilyan 250sano kahor 1768dii waxay ahaayeen 3.5 bilyan.

Adiga sii wado

4-Ma ogtahay in dadka ingilishka ku hadla ee ku nool shiinaha kaliya ka badan yihiin dadka ku noola USA oo dhan.

5-Magaca ugu isticmaalka badan dunidaan waa magaca suubanaheena Muxamed SCW.

6-Digaaga wuxuu awoodaa inuu arko Nuurka subaxii hore 45daqiiqo insaanka kahor.

7-Qolfoofka feeraha insaanka waxaa la sheegaa inuu dhaqaaq sameeyo sanad kastaa in ka badan 5milyan dhaqaaq.

Meeqo sano ayaad jirtaa?
Meeqo mar ayuu feerahaaga dhaqaaqay?
Hal marna ma dareentay?

8-Malabka waa cunada kaliya ee aduunkaan guudkiisa saaran ee aanan halaabin waqti kastana la cuni karo.

9-Ma ogtahay in hadii dhirirkaagu yahay 1.88m aad ka dheertahay cel-celis ahaan 93% dadka aduunkaan ku nool.

10-Hadii aad markaad imtixaan iwm diyaarineyso afka gashato nooc cayiman oo xanjo ah kadibna maalinta ku xigta u fadhiisato imtixaankii sidoo kalana isla noocii xanjada ee aad shalauy cuneysay afka gashato, waxay wax badan kaa caawineysaa inaad soo xusuusato casharadii aad shalay akhrisay.

Qodobkee ka heshay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here