Ma ogtahay in filimka uu kusoo caan baxay Super Star Ajay Devgn laga xoogay Akshay Kumar !!

0
1417

Kuku Kohli oo ah Directedka sameeyay filimka Phool Aur Kaante ayaa wareysi uu maanta bixiyay ku sheegay in filimka uu kusoo caanbaxay Ajay Devgn markii hore qorshaha ahaa inuu sameeyo Akshay Kumar.

Kuku Kohli ayaana sheegay in Akshay waqtigaas uu ku mashquulsanaa filimka Deedar, sidoo kalana uu ka cago jiidayay filimka Phool Aur Kaante, balse markii dambe waxaa u yimid Veeru Devgan oo ku qanciyay in filimkaan wiilkiisa Ajay Devgn u dhiibo.

Kuku ayaa sidoo kale sheegay in Ajay si kalsooni ku dheehantahay u matalay muuqaalka uu kusoo baxayo re mootada waliba ayadoon muuqaalka duubistiisa lagu cel celinin, midaasna ay asiga ku qancisay in wiilkaan uu yahay midkii uu raadinaayay, asigoona sidaas filimka loogu dhiibay.

Nasiib xumo Akshay Kumar filimkaas sidaas ayuu ku waayay waana mashruuc guuleystay waliba Box Officeka wacdaro ka dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here