Ma ogtahay in Hande Ercel xiriir la lahaan jirtay Burak Serdar (Pilot) guurna ka diiday iyo sababta ka dambeysay.

0
857

Burak Serdar sanal waa jilaa taxanayaasha wuxuuna haatan qeyb ka yahay taxanaha Kimse Bilmez asigoona ku jilayo doorka Pilot suleyman Horoglu wuxuuna la dhashay hogaamiya taxanaha Kerem Cem (Ali Horoglu).

Hadaba Burak iyo Hande Ercel waxaa ka dhaxeyn jiray xiriir jaceyl sanadkii 2015tii iyagoona wada socday mudo dhowr bilood ah.

Xiligaas Hande waxay aheyd atariisho soo koreyso magac iyo mansabna ku yeelaneysay fanka turkida halka Burak aanan magaciisa la aqoonin wax shacbiyadna uusan laheyn.

Sababta uu xiriirkoodu u burburay ayaa waxay aheyd in Burak Serdar Sanal uu Hande Ercel usoo bandhigay guur arinkaasoo ay Hande ka biyo diiday ugu dambeyna keentay iney kala haraan.

Sababta Hande u diiday waxay aheyd ineysan xiligaas guur iwm usoo jeedin balse ujeedkeedu ahaa in nolosheeda fanka hormar ka gaarto isla markaasna noqoto atariisho caan ah waana mid ay maanta ka talaabsatay.

Hadaba akhristow adiga makula sanaxntahay in Hande guurka ka diiday Burak Serdar Sanal?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here