Ma ogtahay in insaanku yahay noolaha kaliya ee dhabarka ku seexdo iyo macluumaad kale.

0
753

Noolaha insaanka waa noolaha uu alle dhameystiray abuurkiisa waana noolaha ugu quruxda badan ugu caqliga badan waxaana jiraan waxyaabo badan oo uu noolayaasha kale kaga duwanyahay.

Inkastoo aanan lasoo koobi karin xogta insaanka u gaarka ah hadana qeyb kamid ah ayaan idinla wadaagi doonaa.

Hadaba ka bogasho wacan.

1-Insaanka waxaa lagu sheegaa inuu yahay noolaha kaliya ee dhabarkiisa ku seexdo.

2-Bu,da isha insaanka wey weynaataa(balaarataa). markuu qofka ku fiiriyo Ruuxa uu jecelyahay.

3-Tirada ilkaha insaanka qaan gaarka ah waa 32ilkood, halka insaanka aanan qaan gaarin ilkihiisa yihiin 20ilkood.

4-Muruqa bowdada insaanka waxaa lagu tiriyaa inuu yahay muruqa ugu dheer halka muruqa carabka yahay midka ugu adag.

5-Jirka insaanka caadiga ah dhiigiisa wuxuu gaaraa ilaa 6litir oo dhiig ah halka biyahana ka gaaraan ilaa 42litir oo biyo ah.

6-Ma ogtahay in xubinta kaliya ee jirka insaanka ku taalo taasoo uusan dhiiga gaarin iney tahay bu,da isha qeybteeda cad (fadlan magaceeda naga caawi).

7-ilkaha insaanka iney tarmaan waxay bilowdaan 6bil kahor intaan la dhalin.

8-Jirka insaanka murqihiisa waxay ka kooban yihiin ilaa 639 murqood.

9-Qalbiga ninka iyo qalbiga naagta waxaa garaac yar qalbiga ninka , sababtana waxay tahay in Mug ahaan qalbiga ninka ka weynyahay midka naagta.

10-Xawaaraha candhuufta insaanka kasoo baxdo markuu Hindhisayo waxay gaartaa 160km saacadiiba.

11-Ma ogtahay in Sambabka midig ka weynyahay Sambabka bidix waxaana u sabab ah qalbiga oo ku yaalo dhanka bidix.

12-Xawaaraha neerfayaasha jirka markey maskaxda Macluumaadka u gudbinayaan waxay gaartaa in kabadan 250mile saacadiiba.

13-Maskaxda insaanka waa qeybta ugu badan ee isticmaasho Oksajiinka iyo Tamarta jirka ku jirto.

20% Oxyginka jirka waxaa isticmaasho maskaxda.

14-Taranka cidiyaha insaanka si ay u gaaraan heerkii ugu dambeysay waxay ku qaadataa mudo 6bilood ah.

15-Insaan kasta oo dunidaan guudkiisa saaran dhanka carafta wuu ka duwan yahay kan kale marki laga reebo mataanaha isku eg.

15-Qalbiga insaanka markuu dhiiga ku shubayo qeybaha kale ee jirka wuxuu sameeyaa cadaadis weyn kaasoo gaarsiin karo ilaa 9mitir.

16-Insaanka wuxuu dhaqaajiyaa 16xubnood markuu qoslaayo.

17-Dhirirka xididada jirka insaanka wuxuu gaaraa 100,000km.

Waxay u dhigmaan laban laab iyo bar wareega dhulka ka koobanyahay (waa arin cajiib ah).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here