Nadaamka surrogacy waa hab ilmaha loogu beeraayo rixinka naag lasoo kireystay.

Tusaale hooyada ma rabto in uur yeelato sidaas owgeed ugxanteeda iyo minida ninkeeda ayaa waxaa lagu beerayaa riximka naag kale taasoo lagu siinaayo lacag kiro markii ilmaha dhashaana waxaa lagu wareejinaa waalidkooda.

Nadaamkaan oo ay adeegsadaan inta badan shakhsiyaadka caanka ah ayaa markii hore wuxuu ku badnaa Hollywoodka balse waayadaan wuxuu usoo wareegsaday misna adeegsadaan ayagana Bollywoodka.

Hadaba barnaamijkaan waxaan ku eegi doonaa xidigaha nadaamka surrogacy ilmaha loogu dhalay halkaan hoose kaga bogo;

3-Shahrukh Khan;

Waa boqorka Bollywoodka waana mid kamid ah jilayaashii ugu fiicnaa abid fanka Hindiya kasoo muuqday.

Shahrukh Khan wiilkiisa AbRam Khan sanadkii 2013dii ayaa nadaamka surrogacy loogu dhalay waxaana xusid mudan in SRK iyo Gauri Khan kahor AbRam ay isku dhaleen wiil iyo gabar kale ayagoona nadaamka caadiga ku dhaleen.

4-Sunny Leone;

Cidaan aqoonin ma jirto atariishadaan Bollywoodka ee kusoo caan baxday filimka Jism 2 inkastoo kahor filimkaas ay kamid aheyd gabdhaha jila filimada anshax xumada ee Pornka.

Sunny Leone iyo ninkeeda Daniel Weber ayaa sanadkii 2018dii mataano loogu dhalay nadaamka surrogacy waxaana xusid mudan kahor inta aanan ilmahaas loo dhalin ay u joogtay gabar ay horay u korsan jireen taasoo ay xarumaha agoomaha kasoo wateen.

5-Karan johar.

Waa filim sameeye sidoo kalana filim qarash gareeye caan ahasigoona Bollywoodka ku jiro in kabadan 25 sano waana shakhsi miisaan culus ku leh asigoona sidoo kale barnaamijyada TVyada ka baxa caan ku ah.

Karan Johar waligiis ma guursan inkastoo uu dhaafay da’da 40ka sano hadana waxaa mataao loogu dhalay nadaamka surrogacy 6ii bishii Marso 2018dii.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here