Nadaamka surrogacy waa hab ilmaha loogu beeraayo rixinka naag lasoo kireystay.

Tusaale hooyada ma rabto in uur yeelato sidaas owgeed ugxanteeda iyo minida ninkeeda ayaa waxaa lagu beerayaa riximka naag kale taasoo lagu siinaayo lacag kiro markii ilmaha dhashaana waxaa lagu wareejinaa waalidkooda.

Nadaamkaan oo ay adeegsadaan inta badan shakhsiyaadka caanka ah ayaa markii hore wuxuu ku badnaa Hollywoodka balse waayadaan wuxuu usoo wareegsaday misna adeegsadaan ayagana Bollywoodka.

Hadaba barnaamijkaan waxaan ku eegi doonaa xidigaha nadaamka surrogacy ilmaha loogu dhalay halkaan hoose kaga bogo;

6-Krushna Abhishek and Kashmera Shah:

Lamaanahaan waxay caan ka yihiin TVyada waxaana sanadkii 2017dii mataano loogu dhalay nadaamka surrogacy inkastoo aysan ilaa maanta bixinin xog ku saabsan mataanahooda.

7-Lisa Ray.

Waa atariisho Model ah sidoo kalana TVyada caan ka ah waxaa nadaamka surrogacy loogu dhalay ilmo mataano ah.

8-Shreyas Talpade:

Waa jilaaga caanka ah misna shactiroolaha ah filimo badan oo Bollywood ayuu jilay waxaana ugu caansan doorkiisa taxanaha Golmaal.

Jilaagaan ayaa asiga iyo xaaskiisa wax caruur ah isku dhalin waxayna is qabeen mudo 14 sano, ugu dambeyn dhakhtarkooda ayaa kula taliyay in nadaamka surrogacy tijaabiyaan waxaana habkaas loogu dhalay cunuga kaliya ee haatan heystaan kaasoo dhashay 2018dii.

La soco qeybta 4aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here