Nadaamka surrogacy waa hab ilmaha loogu beeraayo rixinka naag lasoo kireystay.

Tusaale hooyada ma rabto in uur yeelato sidaas owgeed ugxanteeda iyo minida ninkeeda ayaa waxaa lagu beerayaa riximka naag kale taasoo lagu siinaayo lacag kiro markii ilmaha dhashaana waxaa lagu wareejinaa waalidkooda.

Nadaamkaan oo ay adeegsadaan inta badan shakhsiyaadka caanka ah ayaa markii hore wuxuu ku badnaa Hollywoodka balse waayadaan wuxuu usoo wareegsaday misna adeegsadaan ayagana Bollywoodka.

Hadaba barnaamijkaan waxaan ku eegi doonaa xidigaha nadaamka surrogacy ilmaha loogu dhalay halkaan hoose kaga bogo;

1-Ekta Kapoor;

Waxay la dhalatay jilaaga Tushar Kapoor waana gabar filimada iyo taxanayaasha TVyada ka baxaan qarash gareyso misna dakhli badan halkaaas kasoo galo.

Ekta Kapoor ayaa 1 sano kahor nadaamkaan ilmo loogu dhalay wuxuuna cunigeeda oo la yiraahdo Ravi Kapoor sanad jirsaday 26dii bishii hore.

2-Aamir Khan;

Waa jilaa rug cadaa waana mid kamid ah jilayaasha ugu wanaagsanaa abid Bollywoodka soo maray filimadiisana waa kuwa guulaha ugu waaweyn markasta gaaraan asigoona jilay misna sameeyay 5 filim oo darajada All Time Blockbuster noqdeen waana maqaam uusan horay jilaa u gaarin.

Aamir Khan ayaa sanadkii 2011dii asiga iyo xaaskiisa Kiran Rao waxaa nadaamka surrogacy loogu dhalay wiil haatan lagu magacaabo Azad Rao Khan kaasoo haatan 9 jir ah.

Waxaa xusid mudan in Aamir Khan xaaskiisa hore ee Reena Dutta ay u dhashay labo cunug kuwaasoo qaab caadi ugu dhashay kahor inta aysan kala tagin isla markaasna uusan Aamir Khan guursan Miran Rao.

La soco qeybta 2aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here