Super Star Akshay Kumar waa mid kamid ah xidigaha ugu awooda badan xiligaan la joogo asigoo shacbiyad balaaran ku leh gudaha India iyo daafaha caalamkaba.

hadaba waxaa jirto xidig walbo oo Bollywoodka ka tirsan inuu xiiseyo xidig kale oo isna Bollywoodka katirsan.

xidigaas uu taageraha u yahay ama fanka hakaga soo horeyo ama hakaga dambeye, sidaa awged waxaan idiin heyna in Akki taagero u yahay atooraha dhalinta Ranver Singh.

wax lala yaabo ma ahan waayo Ranver shaqsi walbo ayuu jaceyl ka keensada, sidaa awged Ranver wuxuu soo galay liiska xidigaha uu akki shirkadaan ugu jecel yahay qaab jiliinkooda.

Akki wuxuu taagero rasmi ah u yahay xidigaha kala ah Amitabh Bachchan, Dilip Kumar, Kamal Haasan iyo waliba Ranver Singh, waana shaqsiyaad meel weyn kaga yaalan xidigaan.

dhanka atariishoyinka wuxuu aad u taagera xidigta weyn ee awooda badan Sridevi, dhanka filimada uu aadka ujecelyahay, waan kaxunahay ma aynan helin filim Bollywood ah oo uu Akki xiiseyo.

waa macquul in aan wali la shegin balse ay jiraan aflaam Bollywood ah oo uu jecel yahay xidigaan, laakin filimka Italian ka ah ee Life Is Beautiful ayuu aad u jecel yahay Akki waana filim usan ka dhargeenin daawashadiisa.

dhanka Sportska, ciyaaraha uu xiiseyo waxaa kamid ah Cricket ka iyo ciyaarta Karateega oo ah xirfadiisa gaarka ah.

Goobaha dalxiiska inuu u aado uu jecel yahana waa Goa iyo Canada, aqriste hadaa isku dooq tihiin Akshay Kumar waad nala wadaagi kartaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here