Taxanaha Kara Para Ask waxaa la daawaday 2015tii waana taxane xiiso leh sidoo kalana ah Romantic Action waxaana iska leh shirkada Ay Yapim.
Taxanahaan waxaa hogaamiye ka ah Engin Ekyurek waxaana ku wehliso atariishada laga daba dhacay ee Tuba sidoo kalana waxaa kamid ah shakhsiyaadka taxanaha qeybta lixaad ka qaatay atariishada Ilkin Tufekci taasoo taxanaha ku jileyso door askariyad daacad ah ayadoona loogu yeero Biiliin waxayna markasta garab siinee atooraha iyo atariishada.
Hadaba Ilkin iyo Tuba tan iyo markaas taxanaha kaliya saaxiib kuma noqon sidoo kalana nolosha dhabta ayay saaxiibo ku yihiin oo ilaa haatan siwadajir u isku xiriiriyo waxayna Tuba dhawaan ka qeyb gashay bandhig ruwaayad ay qeyb ka aheyd Ilkin.