1-Ma ogtahay in dadka Shiinaha joogo ee ku hadla af ingiriiska ay ka badanyihiin dadka ku nool USA.

2-Ma ogtahay in gaarigii ugu horeeyay ee shidaal ku socdo uu ahaa sanadkii 1895tii.

3-Askarta England waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee isticmaalay saacada gacanta lagu xirto dagaalkii koowaad ee aduunka.

4-Ma ogtahay in Rooseesatada (mida dumarka afka ku guduudsadaan) laga sameeyo budada lafaha malaayga.

5-Ma ogtahay in hadaad biyo cabto adigoo wax cunaayo ay sababi karto arimahaan hoos ku qoran.

1-In uu hakad ku yimaado howshii dheef shiidida sabab la xiriirta caloosha oo soo saarto aashito si ay u waafajiso biyaha la cabay.

2-In dhaqso aad dharagto. Maadaama caloosha biyo ka buuxisay inaad dharagtay ayaad dareemeysaa.

3-Caloosha oo socoto (saxarada oo si fudud kuu marto iyadoo aysan caloosha ku istaagin).

4-Biyaha badan ee aad cabtay waxay sababi karaan in caloosh nuugto maadooyinka Cunada ku jiraan qaab aad u fudud.

6-Waxaa la sheegaa in dadka aduunkaan ku nool isbuuc kasta ku siyaadaan 1.5millions.

7-Ma ogtahay in xayawaanka loo yaqaano LAMA PACOS (eeg sawirka hoose) uusan noolaan karin kaligiis hadii uu kalinimo dareemana wuu dhintaa.

Sidaas owgeed markasta wuxuu u baahanyahay Lamaane.

8-Ma ogtahay in Rudolf Christian Karl Diesel oo ah ninkii soo saaray Motoorka Dieselka uu 1913dii is dilay asigoo u maleeyay in tijaabadiisii fashilmatay.

9-Ma ogtahay in Qosolka nafiska ah (qosolka weyn ee halmar kaa yimaado) uu caafimaad ahaan fiicanyahay sidoo kalena da, ahaan ku yareeyo.

Daraasadaha waxay sheegeen in murugta badan qofka mid da, weyn ka dhigto.

10-Ma ogtahay in insaanka 93% markey seexanayaan ay maskaxdooda sawirato waxyaabo ay jeclaan lahaayeen iney noqdaan Mustaqbalka.

Barnaamijka maanta qodobkee ka heshay??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here