Superstar Akshay Kumar 114-filim hogaamiye ka yahay ayaa tiyaatarka loo saaray sidoo kalena ku dhawaad 30-sano ayuu fanka Hindiya ka tirsan yahay awoodiisana waa mid joogto ah laguna tixgaliyo guulaha lixaada leh ee uu gaaray madaama uu yahay atooaraha ugu guulaha badan uguna HIT-ka badan 30-ka sano ugu dambeesay.

Balse waxaan idiin heynaa 8-filim oo siweyn loogu hami weynaa sidoo kalena Akshay Kumar hogaamiye ka ahaa balse nasiib daro baaqdeen haatana laga quustay mashaariicdaas madaama ay noqdeen kuwo meel la iska dhigay:

Parinaam (1993): Akshay Kumar iyo Divya Bharti ayaa wada sameyn lahaayeen.

Jigarbaaz (1997): Akshay Kumar, Jackie Shroff, Manisha Koriola, Bindu iyo Amrish Puri ayaa wada sameyn lahaayeen.

Purab Ki Laila Paschim Ka Chailla (1997): Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Namrita Shirodkar ayaa wada jileen balse wuu baaqday.

Rahgeer (2006): Akshay Kumar iyo Vidya Balan ayaa wada sameyn lahaayeen balse wuu baaqday.

Saama: filimkan weyn bilawgii qarnigan ayaa la sameyn lahaa waxaana Director ka ahaa Rajkumar Santoshi halka Akshay Kumar, Ajay Devgan, Nana Patekar, Ritesh Deshmukh, Urmila Matondkar iyo Mahima Chaudhry wada jili lahaayeen balse uu baaqday mashruucan.

Aasma (2012): flimkan waxaa laga waday qaybta labaad filimki Blue ee Akshay Kumar, Sanjay Dutt, Zayed Khan, Katrina Kaif iyo Lara Dutta wada jileen wuxuu noqday mashruuc baaqday.

Chand Bhai (2012): Akshay iyo Vidya Balan ayaa wada sameyn rabeen halka Nikhil Advani uu Director ka ahaa balse ma noqonin mid sal dhigto.

Sitaron K Aage (1993): Akshay Kumar iyo Manisha ayaa wada saxiixdeen balse markii ay qaybo ka mid ah duubeen wuxuu noqday mashruuc meel la iska dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here