Home » Bollywood News » Ma ogtahay inay Sanjay Dutt iyo Jackie Shroff ka dambeeyeen inuu Salman Khan maanta magac weyn ku yeesho fanka India?

Ma ogtahay inay Sanjay Dutt iyo Jackie Shroff ka dambeeyeen inuu Salman Khan maanta magac weyn ku yeesho fanka India?

Salman Khan hadda wuxuu ka mid yahay xiddigaha hogaanka u ah shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Film Industry.

Si kastaba ha ahaatee, bilowgii xirfaddiisa jilliinka Salman Khan waxaa soo maray waqti adag sida ku dhacda jillaa kasta oo ku cusub Bollywood.

Balse nafsaddiisa ayuu la tashaday, ka dibna wuxuu qaatay go’aan adag, wax walba oo uu markaas go’aansaday ayuuna haatan ka sheekeeyey – xilli Sallu Bhai uu xayeysiin u sameynayo filimkiisa Tiger Zinda Hai.

Salman Khan wuxuu yiri isagoo ka hadlayey waqtigii uu ku cusbaa Bollywood-ka: “Markii hore ujeedkeygu wuxuu ahaa inaan jillaa noqdo, balse markii dambe aragtideyda wax ayaa iska bedelay.

“Waxaan xasuustaa in xaflad la igu casuumay. Markii aan goobta imid, ma jirin shaqsi i garanayey. Waxaan kale oo xasuustaa in markii ay goobta yimaadeen Sanjay Dutt iyo Jackie Shroff dadka oo dhan ay fadhiga ka istaageen.

“Markaas ayaan go’aansaday illaa aan ka gaarayo heerkaas oo kale in aanan jillaa aheyn, waxaan ku dhaqaaqay tallaabo walba oo aan dadka magaceyga ku bari karo”.

“Illaa maantadan aan ka noqday jilaa weyn oo dadka oodhan garanayaan heerna ka gaaray fanka.”

Salman filimkiisa xiga waa Tiger Zinda Hai waxaana la daawan doona 22 Dec ee sanadkaan 2017 waxaana Director ka ah filmkaan Ali Abbaz Zafar halka Katrina Kaif ay kula weheliso Sallu fllmkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *