Suniel Shetty waa mid ka mid ah aktarada ugu caansan Boolywood-ka dalka Hindiya wuxuuna  ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in isaga iyo xidigo kale ay dhowaan imaanayaan dalka ama mustaqbalka dhow.

inkastoo horey aan idiinkugu sheegnay in loo shegay Suniel in somalia taagero badan u jogaan hadana waxan idiin heynaa warar lagu daray xidigaan oo magaciisa rasmiga ah yahay Sunil Shetty Soomaalidana u taqaano Balwaan ayaa isagoo u waramayay weriye ka tirsan Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.

waxa uu farriin u diray madaxda Soomaalida, isagoona ku baaqay inay kor u qaadaan daryeelka caruurta isla markaasina ku dadaalaan sidii sare loogu qaadi lahaa aqoontooda.

Sunil Shetty ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo jecel Miyuusiga iyo Filimada, isagoona ku tilmaamay Soomaalida kuwo mar walba jecel nabadda, hase yeeshee mar uu ka jawaabayay magaca dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan ee ah “Balwaan” ayuu sheegay in micnihiisu yahay “Awood” ahaana magaca filimkii ugu horeeyay ee uu atoore  ka ahaa.

“Aniga iyo xidigo kale waxaan dhowaan ama mustaqbalka dhow booqaneynaa dalka Soomaaliya” ayuu yiri jilaagan Sunil Shetty oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mid yihiin taageerayaashisa aflaamta Hindiga ah isla markaana si weyn u xiiseeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here