Xidiga caanka ah ee laga dambeyn jiray Irrfan Khan wuu geeriyooday labo maalmood ka hor welina siweyn ayaa loo hadal hayaa geeridii ku timid xidigan oo xanuunka kansarka labadii sano ugu dambeesay haayay ka guuleesan waayay.

Haatan waxaan ogaanay inuu jiro filim Irrfan Khan sameeyay oo aan weli tiyaatarada la saarin macquulna ay tahay marka xaalada caadi kusoo laabato in mashruucan masraxa la saaro sidoo kalena Irrfan dartiisa loo daawado.

Filimkan weli aan masraxa la saarin waxaa lagu magacaabaa Mantra – Song of Scorpions waa filim caalami ah oo Hindi ahayn waana filim Swiss, French iyo Singaporean isku ah sidoo kalena luqada Af Hindiga lagu codeeyay waxaan lagu duubay gudaha Hindiya gaar ahaan gobolka Rajasthan ee Irrfan Khan kasoo jeedo.

Filimka Mantra – Song of Scorpions sanadii 2017 ayaa la sameeyay waxaana lagu soo bandhigay xafladii 70-aad ee Locarno Film Festival kana dhacday Switzerland sanadii 2017 aadna looga helay fariintiisa balse ma aysan suura galin mashruucan in tiyaatarada caalamka la saaro.

Irrfan Khan filimka Mantra – Song of Scorpions waxaa ku wehlisay atirishada reer Iran ee lagu magacaabo Golshifteh Farahani waxaana Director ka ahaa Anup Singh waqti ahaana wuxuu soconaa 119-daqiiqo haatana waxaa la hadal hayaa in mashruucan dib loo soo nooleen doono oo tiyaatarada la saari doono marka xaalka caadi kusoo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here