Home » Nolosha Jilaayaasha » Ma Ogtahay Inuu Jiro Filim Ranver Singh Uu La Qiiroday Sido Kalena Ka Ilmeysiiyay Ama Oohin Kasoo Daadatay!!

Ma Ogtahay Inuu Jiro Filim Ranver Singh Uu La Qiiroday Sido Kalena Ka Ilmeysiiyay Ama Oohin Kasoo Daadatay!!

Ma ogtahay Bollywood Star Ranveer Singh ayaa dareenkiisa xakameyn waayay sidoo kalena iska ilmeeyay marka uu daawaday filimkii qeybihii hore ee sanadkaan la daawaday.

Filimka Ranveer Singh ka ilmeysiiyay waa Trapped waxaana hogaamiye ka ahaa wiilka door walbo sameyn karo Rajkumar Rao.

Ranveer Singh ayaa la qiirooday bandhiga Rajkumar Rao iyo fariinta wacan ee filimka Trapped xambarsaan yahay waxaana filimkaan iska leh Vikramaditya Motwane oo hore Ranveer ugu sameeyay filimkii Lootera.

Ranveer Singh wuxuu yiri “Waxa ugu horeeyo ee la iiga rabo inaan sameeyo waxay tahay inana Rajkumar Rao hab siiyo una hambalyeeyo Director Vikramaditya Motwane, waayo Trapped waa filim ilinta iga qubay!”

Filimka Trapped sanadkii hore gaar ahaan bishii October waxaa laga daawaday xafladii Mumbai Film Festival waxaana dhacday in gudigii daawadeen ay wada qiiroodeen.

Balse Si Guud waxaa tiyaatarada la saaray 16 Mar ee sanadkaan 2017 dhanka Box-office kana kama noola filimkaan maadama uu Disaster ama filim burburay noqday.

Inkastoo filmkaan Disaster noqday hadana marnaba lama ilaawi doono bandhigii Rajkumar Rao filimkaan kusoo bandhigay.