Irrfan Khan oo geeriyooday ciwaano kala duwan ayaa laga sameenayaa oo inta badan la xariiraan shaqooyinkii uu ku caan baxay gaar ahaan Bollywood-ka iyo Hollywood-ka ka qaban jiray sidoo kalena xirfadiisa maqaam sare ayuu ku gaaray.

Aqristayaasha qiimaha badan waxaa lasoo bandhigay fursad uu Irrfan Khan isaga diiday la shaqeynta xidigaha Hollywood-ka laga dambeeyo sida Leonardo DiCaprio, Christopher Nolan iyo kuwo kale. Sidoo kalena hoos kaga bogo 4-filim oo Hollywood ah caan ah Irrfan ku gacan seeray inuu kasoo muuqdo ayadoo doorar muhiim ah loo bandhigay:

Body of Lies (2008): Irrfan wuxuu iska diiday fursada uu kula shaqeyn karay Leonardo DiCaprio, Russell Crowe waxaana lagu badalay Mark Strong wuxuuna Irrfan ku diiday inay kooxda filimkan is fahmi waayeen.

Interstellar (2014): Filimkan Christopher Nolan iska lahaa Irrfan wuu saxiixday balse wuxuu isaga diiday sameyntiisa markii dambe in jadwalka uu noqday 4-bilood gudaha Mareekanka joogo isagana wuu diiday mana uusan rabin mudo dheer inuu Bollywood-ka iyo gudaha Hindiya ka maqnaado waxaana lagu badalay David Gyasi.

The Martian (2015): Irrfan wuxuu iska diiday fursad uu kula shaqeen karay Matt Damon, Jessica Chastain, Jeff Daniels waxaana lagu badalay Chiwetel Ejiofor sababta uu u diiday filimkan sameyntiisa waxay ahayd inay waqti ahaan isku soo aadeen mar uu duubayay filimkii Piku ee Amitabh iyo Deepika uu la jilay.

Irrfan wuxuu iska diiday la shaqeynta Director Steven Spielberg filim la rabay isaga iyo Scarlett Johansson wada jilaan wuxuuna ku diiday doorka loo bandhigay oo uu u fahmay inuu yahay mid aan ku filneyn saameyn ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here