1-Ma ogtahay in Khaliifkii cabaasiyiinta ee Al-muctasim billaahi loogu naaneysi jiray (Muthamin). Sideedle.

Naaneystaan iskama bixin sabab layaab leh ayayna ku imaaday taasoo ah.

Wuxuu ahaa Khaliifkii 8aad ee cabaasiyiinta,
Khilaafadiisa waxay jirtay 8sano iyo 8bilood.
Mudadii khilaafadiisa waxay islaamka furteen 8magaalo.
Wuxuu dhalay 8wiil iyo 8gabdhood.
Wuxuu dhashay sanadkii 108hijriyada bishii 8aad.
Wuxuuna dhintay asigoo 48sano jir ah.

2-Ma ogtahay in Xassaan bin Thaabit uu ahaa gabyaagii Nabiga isagoona noolaa mudo 120sano.
Mase ogtahay in awoowgiis aabihiis dhalay uu asna noolaa 120sano.

3-Ma ogtahay in Gaalkii ugu horeeyay ee lagu dilay duulaankii badar uu ahaa Al-aswad bin cabdul aswad al-makhzuumi waxaana dilay Xamze bin cabdul mudali allaha ka raali noqdee.

4-Ma ogtahay in dhiririka Nabi aadam uu ahaa 60 dhudhun.

5-Ma ogtahay qofkii ugu horeeyay ee adeegsaday Salaanta islaamka Ee asalaamu caleykum uu yahay abii Darri al-qifaari.

6-Ma ogtahay in camalka ugu horeeyayo ee insaanka laga xisaabinayo uu yahay Salaada mase ogtahay in waxa ugu horeeyo ee insaanka dhexdiisa loo kala gar qaadayo uu yahay Dhiiga.

7-Ma ogtahay in ISLAAMKA yahay diinta kaliya ee zaman kasta ku haboon halka quraankana markaad akhrineyso aad moodo in shalay lasoo dajiyay oo uuba zamankaan ka hadlayo.

8-Ma ogtahay in nabiyullaahi idriis uu yahay nabigii ugu horeeyay aadam kadib mase ogtahay inuu yahay qofkii ugu horeeyay ee qalin wax ku qoray asigoona ku hadli jiray 72luuqadood.

9-Ma ogtahay in qiyaamaha markuu buunka yeero dadka lasoo saari doono iyagoo dhamaantood wada qaawan qofka ugu horeeyo ee dhar loo galin doonana uu yahay Nabiyullaahi ibraahiim Caleyhi Salaam.

10-Ma ogtahay in qofka ugu horeeyo ee qiyaamaha soo kici doono uu yahay Nabigeen muxamed SCW.
Mase ogtahay inuu yahay qofka ugu horeeyo ee loo shafeeco qaadi doono iyo qofka ugu horeeyo ee Janada gali doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here