Sida caadiga ah qoys walbanoo baraha bulshada isticmaalaan inta badan waxay leeyihiin guruubyo baraha bulshada ah sida WhatsApp-ka, Messenger-ka iyo wixii lamid ah halkaas ayee isku xaal warestaan noloshooda wixii ku cusubna isugi sheegaan.

Sidaa si lamid ah qoyska Boney Kapoor waxay leeyihiin WhatsApp Group iyaga u gaar ah kaaso ay isku xaal wareestaan mararka qaarna meesha la isku jafaa kaftan iyo madadaalo uun. Guruubkan waxaa kujiraan Arjun Kapoor, Anshulan Kapoor, Jhanvi Kapoor, Khushi Kapoor iyo aabahood Boney Kapoor hada kahorna waxaa shaaciyay Arjun Kapoor xili Koffe With Karan uu ka qeyb galaayey waxuuna sheegay inee leeyihiin guruubkaan.

Balse guruubka dhexdiisa sheekada la isku dhaafsado cidna ma ogaan karto ilaa iyaga nala wadaagaan mooyee weyna dhacday midaas Anshula Kapoor ayaa Screenshot kasoo qaaday qoraalada ay qoyskan kuwada sheekesteen waxayna soo dhigtay baraha bulshada.

Oday Boney ayaa gabadhiisa Jhanvi weydiinaayo masoo caga dhigatay oo ma timid ayuu leeyahay maadama duubista Dostana 2 ay ku maqneed iyadana waxay leedahay haa waansoo cago dhigtay dhanka kale Anshula waxay sheegeysa inee duulimaad kasoo tahay Delhi oo au guriga usoo socoto.

Boney Kapoor qudhiisa waxuu sheega inuu Mumbai kasoo duulaayo Chennai na kusoo wajahan yahay kadib Arjun Kapoor ayaa la kaftamaayo iyaga dhan oo waxuu leeyahay maanta maalintii duulimaadka miyaa dhamaantiinaa waan soo socda le kuheysiinee kkkk. Hoos ka daawo qoraalkooda ay isdhaafsadeen waana mid Screenshot laga soo qaaday…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here