Inaba caadi ma ahan sheekooyinka xiisaha leh ee Katrina Kaif shaaca ka qaaday intii ay kusugned barnaamijka The Kapil Sharma Show sido kalena Kapil Sharma ayaa ka dambeya inee jilayaashan wax walba oo sir ahaa banaanka keenan waayo suaalihiisa cajiibka ah jilayaasha sirtooda ayee soo saaran markee barnaamijkiisa ka qeyb galaan.

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba Kooxda Sooryavanshi sida Akshay Kumar, Rohit Shetty iyo Katrina Kaif ayaa ka qeyb galeen barnaamijkaan si mashruucooda ay uxayeysiiyaan meeshana kaftan badan ayaa ka dhacay xili suaalo xasaasi ah la is weydiiyay.

Kapil ayaa yiri,”Katrina waxaan maqalnay inaad hada kahor fiyooraha walaaltinimada uxirtay Akshay Kumar cabsi aad ka qabto isaga adoo og atiriishooyinkii uu horey shaashada muuqaalo dareen ah kula wadaagay arinkaas ma runbaa.”

Kadib waxaa halmar wada qosleen Akshay, Rohit, Katrina iyo dhamaan martida barnaamijka kusugnaayen waxayna Katrina ku jawaabtay sida tan waa run inaan u xiray fiyooraha walaaltinimada sanadkii 2008 balse ujeedka sidaas ma ahen.”

“Akshay saaxiibkey qaali ayuu waligiis ahaa sido kalena wax badan ayuu iga caawiyay nolosha iyo shaqadaba raali ayuuna ka ahaa markaan u xiraayey fiyooraha ee ujeedka aad sheegtay ma aheen sababta aan ugu xiray” kadib Rohit ayaa hadalka qaatay misane yiri”hadii uu saaxiibkaada ahaa maxaa fiyooraha saaxiibtinimada ugu xiri weyday ma anagaad waxaa rabto inoo sheege.”

Qosol dheer kadib Katrina waxay tilmaamtay in Akii xushmad weyn u heyso isaga iyo qoyskiisaba saaxiibked iyo walaalkedna ay ka dhigatay waligiisna ahaan doono meesha ayeena ku wadaageen dareen qiiro iyo mid walaaltinimo xili Katrina ay qiiron rabtay sido kalena Akshay uu hab siiyay waxayna Katirna goobta ka sheegtay abaalkii uu Akki u galay iyo siduu u caawiyay markee meesha ku cusbed xitaa luuqada hinduga dhib ku ahed.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here