Home » Nolosha Jilaayaasha » Ma Ogtahay Priyankaa Chopra Inee Iska Diiday Hada Kahor 2 Film Oo Salman Khan Hogaamiye Ka Ahaa!!

Ma Ogtahay Priyankaa Chopra Inee Iska Diiday Hada Kahor 2 Film Oo Salman Khan Hogaamiye Ka Ahaa!!

Waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in Priyanka Chopra atirisho ka noqon doonto filmka xiga ee Salman Khan Bharat kaaso uu Director ka yahay Ali Abbas Zafar.

PeeCee ayaa mudo 10 sano aha kadib la shaqeyn doontoSalman khan waxayna horey Sallu ula sameysay filmada kala ah Mujhse Shaadi Karoge, Salam-E-Ishq iyo God Tussi Great Ho.

Hadaba Bharat inta aysan saxiixan atirishadan waxaa jireen 2 film oo aay Salman Khan la sameyn lahed balse aanan dhicin inee la sameyso waxayna kala yihiin filmadaas London Dreams iyo Main ur Mrs Khanna.

Kahor inta aysan atirishadaa Asin saxiixan mashruuca London Dreams waxaa loo bandhigay atirishada Priyanka Chopra balse Priyanka waxay hada kahor wareysi ku sheegtay in filmkaan loo bandhigay hadana markii dambe kooxda ay wada hadal ka qaaten gacan yaraha Priyanka iyo dadkii ushaqeynaayey kadibna waxaa markii dambe la shaaciyay in Asin atirisho ka noqoneyso filmka.

Filmka kale ee ah Main Aur Mrs Khanna Priynaka ayaaa si toos ah u diiday sameyntiisa oo ka cudur daaratay inee filmkaan sameyso waxaana lagu bedelay oo saxiixatay mashruucas atirishada Kareena Kapoor.

Taagerayasha Salman iyo Priyanka aad aye ugu faraxsanyihiin mashruucan cusub oo ay xidigahan ku midoweyn mida kale Priyanka khaladkedi hor oo kale ine gasho wey diiday maadama 2 film horey ula jili weysay atoorahan haatan waxay aqbashay filmka Bharat.