Director Imtiaz Ali filimkiisa Rockstar waa midka Ranbir Kapoor ka caawiyay abaal marintiisii ugu horeesay Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan inuu ku qaato sidoo kalena ka caawiyay RK xidig ahaan inuu siweyn u sal dhigto Bollywood-ka balse nasiib daro filimkan waxaa iska diiday markii hore Saif Ali Khan.

Director Imtiaz Ali wuxuu Saif Ali Khan horey ugu sameeyay filimkii Love Aaj Kal ee HIT-ka weyn noqday wuxuuna u bandhigay sheekada filimka Rockstar oo diyaarsan balse Saif wuu iska diiday mashruucan asigoo ka helin qaabka fariinta loo dhigay waxaana calfaday filimkan Classic ah si lama filaan ah Ranbir Kapoor.

Balse Saif Ali Khan wuxuu dhawaan sheegay inuusan ka xumeyn go’aankii uu ku diiday sameynta Rockstar wuxuuna sheegay in isaga iyo Imtiaz Ali saaxiibo dhow yihiin una sheegay xiligaas in fariinta Rockstar isaga ku habooneyn inuu sameeyo kadibna uu sidaas Ranbir Kapoor ula saxiixday wuxuuna Saif sheegay in arintan wax caadi tahay oo waligeed dhici jirtay atoore ama atirisho mashruuc ay iska diido in qof kale sameeyo oo amaan iyo guulo ku gaaro.

Saif Ali Khan haatan waxaa u diyaarsan filimka Tanjahi: The Unsung Warior ee Ajay Devgn hogaamiye ka yahay isagana laadar ka yahay lana daawan doono 10 Jan 2020, halka Imtiaz Ali u diyaarsan filimka Aaj Kal ee Saif gabadhiisa Sara Ali Khan iyo Kartik Aaryan hogaamiyaal ka yihiin lana daawan doono 14 Feb 2020. Halka Ranbir Kapoor isagana haatan u diyaarsan filimada Brahmastra iyo Shamshera oo xagaaga dambe la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here