Waxaa hawada lagu soo daayey wareysi laga qaaday Mega Superstar Shah Rukh Khan oo uu la yeeshtay suxufiga weyn ee reer America David Tv-yada America ayaana laga daawaday waana wareysi dheer oo King Khan shaaca kaga qaaday arimo badan ilaa hada taageerayaashisa ka war qabin.

Noloshiisa gaarka ah, shaqadiisa, riyooyinkiisa u rumoweyn iyo guulaha uu gaaray ayuu ka hadlay xidigaan arimo badan ayuu jilaagan shaaciyay waxaana kamid ah in hada kahor la xiray oo xabsi la dhigay waana bilawgii iyo markuu ku cusbaa shirkadaan.

Wariye ayaa ka qoray arimo xan ah oo kaftan u badnaayen midaas ayuuna ka carooday jilaagan waxuuna u caga jugleeyay wariyihii dil ayuuna ugu hanjabay midaas oo kakiftay in Khan asoo Filim duubaayo Police-ka ka wateen goobta waxuu yiri asoo ka sheekeynaayo dhacdadan.

“Xiligaas aaladaha baraha bulshada lagu isticmaali ma jirin sidaa aawged joornaalada waxa oagu qoro ayaan la falgali jiray wax walbo la iga qoro waan la socon jiray oo waqti ayaan siin jiray waana bilawgii Bollywoodka aan ku cusbaa.”

“Mid kamid ah wariyaashii xiligaas ayaa iga qoray warar xan ah waana ka xanaaqay si toos ah ayaa xaruntiisa shaqada ugu booqday waana ku qeyliyay waxuu igu yiri kaftan ayee iga ahed hadalka aan qoray halka aan aniga ugu jawaabay inaanan kaftamin nolosheyda gaarka ahna inuu iiga leexdo ayaan kaga digay.”

Khan goobta qeylo iyo buuq ayuu ka dhaliyay maalintii xigtay asoo Filim duubaayo ayee Police-ka u yimaadeen waxaana dhexmartay sheekadan,”waxaan rabnaa inaan suaalo kuweydiini ayee idhaheen Police-ka kadib markee iigu yimaadeen meel aan Filim ku duubaayey.”

“Anigana waxaan dhahay ina kaxeeya gaarigeyga waakaas meesha ku sheekeysanena (kadib wuu qoslay) sababta aan saas udhahay ayaa ah in taageerayaal badan sidaas iisoo booqan jireen ana waxaan u maleeyay inee taageerayaasheyda kamid yihiin.”

“Waxay igu dhaheen maya ee gaarigeena ayaan kugu wareysaneena markaan galay gaarigooda horey ayee iga wadeen saldhiga Police-ka ayee i geeyeen markaas ayaan garwaaqsaday in la ixiraayo waxaan bilaaway inaan tuug-tuugo si ay ii fasaxaan waayo waa necbanaa in la ixiro mudo saacado ah ayaa xirnaa kadib ayaa la isoo daayey oo qareenkeyga iyo dadkeyga imaadeen.”

SRK dhacdadaaas waxay ku noqotay mid uusan waligiis ilaawin xanaaq ayaa sanka ka saarnaan jiray waana sababta uu xabsi ku galay sheekooyin kale oo uu shaaciyay ayaa jiraan waan idiin la wadaagi doonnaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here