Ma ogtahay shaqadii uu qaban jiray Rajkummar Rao kahor inta uusan Bollywoodka kusoo biirin?

0
697

Rajkummar Rao wuxuu kamid yahay jilayaasha hibadooda isku keenay Bollywoodka sidoo kalana guusha wacan ka gaaray.

Inkastoo filimaan waaweyn misna miisaaniyad culus xambaarsan uusan sameynin hadana wuxuu sameeyaa filimo miisaaniyad xadidan sidoo kalana sheeko ahaan aad loo amaano asigoona guulo muhiim ah ka gaaray Bollywoodka.

Jilaagaan ayaana kahor inta uusan Bollywoodka kusoo biirin wuxuu ahaa macalin dhiga Dramatics asigoo waliba xiligaas arday jaamacadeed ahaa.

Rajkummar ayaa sheegay jaamacada sanadkii labaad markii uu dhiganayay inuu u baahday qarash balse uusan waqtigaa heysan sidaa owgeed uu xiliga uu fasaxa yahay dhigi jiray maadada Dramada asigoona intaa ku daray in ardayda uu casharka siin jiray aad isugu fiicnaayeen maadaama ay isku da’ ahaayeen waxbadana uusan ka weyneyn sidaa owgeed ay saaxiib ka dhigteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here