Home » Box Office » Ma Ogtahay Titanic Mudo 12 Sano Inuu Ahaa Filmka Lacaga Ugu Badan Dunida Oo Dhan Kasoo Xareeyo?

Ma Ogtahay Titanic Mudo 12 Sano Inuu Ahaa Filmka Lacaga Ugu Badan Dunida Oo Dhan Kasoo Xareeyo?

Titanic waa filmka labaad ee taariikh aflaamta aduunka ugu weyn dhan walba, sido kale filmkaan mudo 12 sano ah ayuu iska ahaa filmka ugu weyn dunida maadama iskoorkiisa lacaga loo dhowaan waayey.

Balse sanadkii 2009 ayaa waxaa yimid filmka Avatar kaaso jabiyay iskoorka Titanic u yaalay waxuuna noqday filmka lacaga ugu badan abid daafaha caalamka ka keena isku dar ahaan ilaa hadana hogaanka Avatar ayaa hayo.

Titanic waxaa la daawaday sanadkii 1997 waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Leonardo Dicaprio iyo Kate Winslet, halka uu Director ka ahaa James Cameron.

Titanic waqooyina America cimri ahaantisa waxuu ka keenay $659.4M halka daafaha caalamka uu cimri ahaantisa ka keenay $1.5 Billion, isku darka daafaha caalamka iyo waqooyiga America waa $2.1 Billion.

Titanic waa filmkii ugu horeyay abid daraja $1 Billion lacagao sare udhaafaya keena sido kale hadana waxuu noqday markale filmkii ugu horeyay ee abid $2 Billions lacago sare u dhaafaya keena, balse filmkaan iskoorkii mudada 12ka iska heystay waxaa kala waregay filmka Avatar.

Avatar cimri ahaantisa iskudarka dal iyo dibad waxuu keenay $2.7 Billion lacago sare u dhaafaya ilaa hadana Avatar ayaa ah filmka lacaga ugu badan abid dunida oodhan kakeena.

Waxaana xusid mudan in Avatar 19 maalmod $1 Billion ku keenay sido kale U.S iyo Canada cimri ahaantisa waxuu ka keenay $749.7M.