Ma ogtahay xiiso leh.

0
1171

Kusoo dhawaada barnaamijka ma ogtahay iyo xogta uu xambaarsanyahay, kaasoo aan caawana inta badan insaanka uga hadli doono.

1- ma ogtahay in duulaankii ugu horeeyay ee uu nabiga (scw) qaaday uu ahaa duulaankii abwaa ama wadaan, mase ogtahay in kii ugu dambeeyay uu ahaa duulaankii tabuuk.

2- ma ogtahay in dhagta midig ee insaanka ka wax maqal badantahay mida bidix.

3- ma ogtahay in insaanka markuu gaaro 60sano uu waayo %85 dareenka dhadhanka iyo urtaba.

4- ma ogtahay in garaaca wadnaha saameyn ku yeesho xijmiga jirka tusaale tirada garaaca insaanka caadiga ah waa 80 garaac daqiiqadii,
Maroodigana waa 25garaac daqiiqadii,
Jiirkana waa 700garaac daqiiqadii,
Halka shimibirta yarna ka yahay 1000garaac daqiiqadii.

5- ma ogtahay in ilinta insaanka laga helo maadooyin xanuunka dajiya kuwaasoo ay soo saarto maskaxda markuu qofka ooynayo.

6- ma ogtahay in ilmaha yar ee markaas dhasho uu celcelis maalin kasta ooyo 113daqiiqo ilintuu soo saarana ay ka caawiso iney ilaaliso caafimaadkiisa.

7- ma ogtahay in dhamaan caruurta lagu wada dhalo indhahooda oo buluug ah balse shucaaca qoraxda uu midabka indhahooda badalo.

8- ma ogtahay in insaanka dhimanaayo haduu waayo 20% biyaha jirkiisa kujiraan.

9- ma ogtahay in raga iyo dumarka kawada simanyihiin dhamaan habdhisyada jirka markii laga reebo habdhiska taranka.

10- ma ogtahay in jirka insaanka laga heli karo curiyaha birta ah kaasoo laga sameyn karo qiyaastii ilaa iyo 7musmaar oo waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here