Reyyan Aslanbey waa atiriisho caan ah oo doorka Reyyan ku jileyso taxanaha caanka noqday ee Hercai kaaso si kumeel gaar ah ilaa amar dambe loo joojiyay magaceeda dhabta ahna waa Ebru Sahin balse magaca Reyyan caan ku ah.

Waxay dhalatay 18 May 1994 sidaa aawged waqtigaan la joogo waa 25 jir balse marka la gaaro 18 May waxay jirsan doontaa 26-sano dhanka kale Yaareen Shadalogu waa atiriisho caan noqotay magaceeda dhabta ahna waa Ilay Erkok balse magaca Yaren ayee caan kutahay waqtigaan.

Yaren waxay dhalatay 1 October 1993 sidaa aawged hader waa 26 jir balse marka la gaaro 1 Oct waxay jirsan doontaa 27-sano waana atiriishada seddexaad ugu door weyn taxanaha Hercai marka laga soo tago Reyyan iyo Caziiza.

Hadaba waxaan ogaanay in Yaren 1-sano ka weyntahay da’ahaan Reyyan waana da’dooda rasmiga ah sida Google-ka qoraayo balse dadka qaar ayaa aaminsan in Reyyan weyntahay da’ahaan oo Yaren yartahay tixraaca xogtaan markii la xukmiyo waxaa xaqiiqo ah in Yaren hal sano weyntahay farqi sidaa u weyn aheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here