Sanjay Leela Bhansali waa mid kamid ah filimsameyasha ugu fiican ee abid India soo mareen, xidigaan waa shaqsi u saaxiib ah fariin waaqici ah inuu la yimaado.

Bhansali wuxuu sameyay aflaam India oo dhan gilgileen sheeko ahaan aad iyo aadna ilaa maantada loo jecelyahay, waxaana tusaale kuugu filan filimadiisa ay kamidka yihiin Hum Dil De Chuke Sanam iyo waliba Devdas.

Bhansali haduu filimsameye yahay sido kalena waa shaqsi aflaamta daawada dooqna leh, hadii dhanka atoorayasha laga hadlo Bollywoodka hal atoore ayuu kusoo koobay taageronimadiisa xidigaan.

xidiga uu taageronimo rasmi ah uu u haayo SLB waa Super Starka ugu weyn India ee Dilip Kumar kaaso uu waligiis taageri jiray.

waxaa xusid mudan in filimka Bhansali uu Bollywoodka ugu jecelyahay uu hogaamiye ka yahay isla Dilip Kumar waana filimkii Mughal- E-Azam kaaso la daawaday sanadkii 1960.

dhanka atarishoyinka wuxuu ilaa maantadan ka  taagera xidigaha kala ah Madhuri Dixit iyo waliba Helen, aan usoo laabano xidigaan shaqadiisa wuxuu ku howl jiraa filimkiisa Padmavati oo ay hogaamiyaal ka yihiin Deepika Padukone, Ranveer SIngh iyo waliba Shahid Kapoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here