Inta badan wey dhacdaa in aflaan lagu dhawaaqo shaacana laga qaado jilaayasha sameenayaan inay baaqdaan oo xitaa markii la duubo meel la iska dhigo kadibna aan masraxa la saarin taageerayaal fara badan arinkaas ka niyad jabaan.

Balse waxaan idiin heynaa 7-filim ugu weynaayeen ebid ee lacago badan lagu qarash gareeyay, jilaayaal waa weyn la isugu keenay hadal heyn xooganaa xambaarsanaayeen balse nasiib daro gabi ahaanba baaqdeen oo aan masraxa la saarin ma shaqadooda marka ay bilaaban rabtay lagu kala tagay:

1. Apna Paraya: filimkan Amitabh iyo Rekha ayaa saxiixdeen miisaaniyad xoogana wuu xambaarsanaa waxayna sameyn lahaayeen sanadii 1972 balse markii Amitabh aflaan kale duwan Flop ka noqdeen mashruucan meel ayaa la iska dhigay waxaana la sameeyay labo sano kadib in dib loo soo nooleeyay magaca Duniya Ka Mela ayaa loo bixiyay waxaana hogaamiyaal looga dhigay Sanjay Khan iyo Rekha balse Flop ayuu noqday.

2. Time Machine: Director Shekhar Kapur sanadii 1992 ayuu mashruucan weyn ku dhawaaqay waxaana hogaamiyaal ka ahaayeen Aamir Khan, Raveena Tandon, Rekha, Naseeruddin Shah, Gulshan Grover iyi Vijay Anand. Filimkan afar meelood sedex meel ka mid ah markii la duubay ayay shaqadiisa hakatay qarashaadkii oo yaraaday awgeed wuxuuna noqday filim meel la iska dhigay oo aan dib dambe loo dhameestirin!

3. Parinaam: Akshay Kumar iyo Divya Bharti ayaa filimkan miisaaniyada xoogan xambaarsanaa wada saxiixdeen horaantii 1993 balse markii ay Divya geeriyootay wuxuu filimkan noqday mid meel la iska dhigay oo aan markale la isku soo hadal qaadin.

4. Dus kani wuxuu ahaa filim Hindiya oo dhab qabsaday madaama Sanjay Dutt iyo Salman Khan wuxuuna ahaa filim Action si caalami ah loo duubay miisaaniyad xoogana xambaarsanaa waxaana masraxa la saari rabay horaantii 1997 balse markii xiligaas Hindiya tiyaatarada la xiray oo qolyaha tiyaatarada iska leh iyo dowlada Hindiya canshuurta ku badisay isku dhaceen wuxuu noqday mashruucan mid meel la iska dhigay kadibna waxaaba la dilay Gulshan Kumar oo filimkan soo saare ka ahaa sidaas ayayna ugu dhamaatay rajo walbo oo laga qabay in tiyaatarka la saaro!

5. Munna Bhai Chale Amerika: Kadib markii Munna Bhai iyo Lage Raho Munna Bhai Hindiya qabsadeen Sanjay Dutt iyo Arshad Warsi waxaa lagu waday qaybta sedexaad inay sameeyaan oo la dhaho Munna Bhai Chale Amerika balse mashrucan wuxuu noqday mid fadhiid ah oo aan horey loo amba qaadin waxaana kasoo wareegatay 13-sano markii la dhahay waa la sameynaa ilaa iminkana ma suura galin. Haatana taxanahan qeyb sedexaad ayaa laga sameynaa sida Director Hirani laga soo xigtay balse sheekadii loo diyaariyay Munna Bhai Chale Amerika waxay noqotay mid meel la iska dhigay oo sheeko cusub ayaa haatan la diyaarinaa.

6. Kala Paani: Filimkan weyn waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Ajay Devgn iyo Suniel Shetty sidoo kalena Karisma Kapoor ayaa ka dhaxeesay waxaana lagu dhawaaqay sanadii 1993 balse nasiib daro ma uusan hirgalin wuxuuna noqday filim meel la iska dhigay oo lagu kala tagay.

7.Shuddhi: kani waa filim weyn oo Karan Johar iska leeyahay marka kowaad Hrithik iyo Kareena ayaa saxiixdeen haddana wey isaga baxeen sanadii 2014 kadib Salman Khan iyo Deepika balse si lama filaan ah Sallu ayaa isaga baxay ugu dambeyntii Varun iyo Alia ayaa loo dhiibay laakiin iyagana horey uma dhaqaajin filimkan weyn wuxuuna noqday mid meel la iska dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here