Waxaan wada ognahay ama qof walbo uu ka dharagsan yahay in Aamir Khan uu yahay atooraha bilaabay filim Bollywood ah inuu gudaha Hindiya 100 Crore nadiif ah kasoo xareeyo wuxuuna iskoorkan sameeyay sanadii 2008 iyo wacdarihii uu dhigay filimkiisii Ghajini. Balse marka la is weydiiyo atooraha sameeyay filimka ugu horeeyay suuqyada caalamka 100 Crore kasoo xareeyay waa hubaal inaan in badan la ogeyn.

Haddaba aqristayaasheena qiimaha badan Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa darajadan dhibka badan bilaabay kadib markii filimkiisii My Name Is Khan 100 Crore iyo ka badan suuqyada caalamka kasoo xareeyay sanadii 2010 weliba filimkan All Time Blockbuster ayuu daafaha caalamka ka noqday madaama uu noqday filimkii ugu horeeyay $20m soo xareeyo.

Filimka My Name Is Khan SRK waxaa ku wehlisay Kajol Devgn waxayna labadooda ku qaateen abaal marinta Filmfare Awards atooraha iyo atirishada ugu wanaagsan halka Karan Johar uu mashruucan Classic ah Director iyo soo saare ka ahaa wuxuuna filimkan sameyn xoogan ku yeeshay fariin ahaan dhamaan dadka daafaha caalamka ku nool.

SRK waa Superstar suuqyada caalamka aan loogu galin karin madaama filimadiisa Classic ah daafaha caalamka si waali ah kaga gadmeen sida Dilwale Dulhaniya Le Jayenge, Dil Toh Pagal Hai, Kuch Kuch Hota Hia, Kabhi Khushi Kabhi Gham, Veer Zaara, Kal Hoo Na Hoo, Kabhi Alvida Na Kehna iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here