Action King Tiger Shroff waxaan wada ognahay ficilo halis ah inuu shaashada kusoo bandhigo haatana aan lagu gaarin sameynta filimada Action-ka ah marwalbana daawadayaasha ka rabaan inuu filimadiisa kusoo bandhigo Action-mo cajiib badan oo halistooda wataan haba ugu dambeeyay filimkiisa Baaghi 3 oo Action-mada uu kusoo bandhigay siweyn looga helay.

Balse wiilkan mudada 6-sano fanka Hindiya ku jiro ee uu ruug cadaa Jackie Shroff aabo u yahay wuxuu banaanka soo dhigay arin dad badan ka qarsaneed oo ku aadan inuu aad kaga cabsado meelaha joogooda sareeyo inuu fuulo ama uu kuro.

Tiger-ka shaashada geesiga ku ah wuxuu yiri “Marwalbo marka aan meel joogeeda sareeyo koro indhaha ayaan isku qabtaa, hoosna masoo fiirin karo waxaana dareemaa cabsi xoogan. Ma jiraa qof sidaas oo kale aad uga cabsado meel dheer inuu koro?”

Tiger Shroff sanadkii hore waxaa Blockbuster weyn u noqday filimkii War ee uu Superstar Hrithik Roshan la sameeyay aadna loo amaanay doorkiisii kadibna wuxuu sanadkan la yimid Baaghi 3 oo ay isla jileen Shraddha Kapoor balse nasiib daro taxanahan kaliya marka uu masraxa saarnaa mudo 10-maalmood ayaa tiyaatarada gabi ahaanba la xiray saameynta Coronavirus awgeed taasina waxay sababtay in mashruucan ganacsi weyn sameynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here