Guuxa yeeraayo waxyar ma ahan waxaa la sheegay in Ranver Singh iyo Deepika Padukone loo bandhigay Filimka Brahmastra inee wax ka jilaan doorar muhiim ahna ku lahaadaan waliba waalidiinta Ranbir Kapoor inee matalaan ayaa loo bandhigay.

Sidaan wada ognahay Brahmastra waa Filim Super Hero waxaana idiin la wadaagnay inuu taxane noqon doono oo qeybo badan laga sameeyn doono qeybtan kowaad waxaa kasoo muuqan doonaan Ranbir Kapoor, Alia Bhatt, Amitabh Bachchan, Nagarjuna, Dimple Kapadia iyo Mouni Roy hadaba Director ayaan Mukerji ayaa kufikiray inuu labo jilaa oo jiilka maanta ah kusoo daro Filimka.

Qorshaha waxuu yahay in 30 daqiiqo markii la daawado Filimka loogu talo galay inee soo baxaan Ranbir Kapoor waalidiintiisa waqti koobana shaashada kasoo muuqdaan sababtana waxay tahay Ranbir wuxuu kujilaa wiil isagoo yar waalidiintiisa ka geeriyoonayaan sidaa aawged waalidiin doorarkaas jilaan ayaa larabay oo dhalinyaro ah.

Mashruuca qeybtiisa labaad ayeese waalidiinta Ranbir Kapoor mug weyn taxanaha kulahaan doonaan maadama lagaaga sheekeynaayo qaabke ku geeriyoodeen iyo qisadooda jaceyl hadaba qeybta kowaad ee ay dhimanayaan muuqaalkaas martida ah waxuu Ayaan Mukerji ka codsaday inee jilaan Ranver iyo Deepika da’dooda caadiga ahna kujilaan sida muuqaal ahaan hada yihiin maadama Ranbir cunug yar laga dhigaayo oo aan qaan gaarin xitaa.

Waxaa la sheegay labadoodaba inee iska diideen doorarkaas waxaana macquul ahaan lahed hade ogolaan lahaayen qeybta dambe Filimka inee iyaga hogaamiyaal ka noqon lahaayen ileen qeybta dambe oodhan ayaga laga sheekena inta bada hader Ayan Mukerji xidigo Ranver iyo Deepika ku maqaam ah ayuu baadi goobayaa si uu doorarkaas ugu bandhigo.

Akhriste kawaran hadii ay ogaan lahaayen ma aaminsantahay inuu xiiso sii yeelan lahaa Brahmastra?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here