ma rumeysan kartid jilayaashaan Turkishka ah balse asalkoodu carabyahay.

1
556

Maalin wanaagsan saaxiibadeena qaaliga ahow waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa jilayaal Turkish ah balse asalkoodu uu carabyahay ha ahaadaan dhanka waalidka ama dhanka hooyada.

1-Amine Gulse.

Waa atariisho Turkish ah waxay ku dhalatay Swedan sanadkii 1993dii waana xaaska laacibka kooxda Arsenal iyo qaranka Germany Mesut Ozil oo asigaba qudhiisa asalkiisu yahay Turkish balse dhalasho germany heysto.

Amine Gulse aabaheeda ayaa asalkiisa ciraaq yahay wuxuuna kasoo jeedaa magaalada karkuuk balse Amine hooyadeed ayaa Turkish ah.

2-Kaan Urgancioglu.

Waa jilaa Turkish ah balse asalkiisu carab yahay wuxuuna ku dhashay magaalada Azmir, aabihiis waa turki balse hooyadiis ayaa carab ah waxayna kasoo jeedaa wadanka suuriya inkastoo ay dhalasho Albania heystato.

3-Ayca Aycin Turan (Caa’isha iishaan tuuraan).

Waa atariisho Turkish ah waxayna dhalatay 25tii oktobar 1992dii.

Ayca aabaheeda wuxuu kasoo jeedaa wadanka Tunuusiya halka hooyadeedna tahay Giriig balse heysato dhalasho turki ah.

Halkaan waxaad ka fahmee in Ayca ay iska dhaleen aabo tunuusiya iyo hooyo Giriig ah.

4-Murat Yildirim.

Waa jilaa Turki ah wuxuuna dhashay sanadkii 1979kii.

Murat hooyadiis ayaa carab ah halka aabihiisana uu turki yahay, hooyadiis waxay kasoo jeedaa dalka Suuriya horay ayuuna uga hadlay sida uu u jecelyahay uguna faano inuu carab iyo turki kasoo kala jeedo wuxuuna dhahaa aniga jeexeyga midig waa suuriyaan jeexa bidixna waa turki.

Waxaana xusid mudan in Murat uu qabo una dhaxdo gabar reer Marooko ah misna heysato quruxda wadankaasi marooko.

La soco qeybta 2aad.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here