Ma rumeysan kartid lacagaha ay halkii xalqo ku qaataan jilayaasha taxanaha Hercai , imisa ayay qaataan Miran iyo Reyyan iyo Caziiza??

0
5279

Sidaan wada ognahay taxanaha Hercai waa midkii guusha ugu weyn sanadkaan gaaray asigoona ka saro maray taxanayaal farabadan waxaana laga soo bandhigay kaliya 25 xalqo ilaa haatan iyadoona season 2 uu inoo socdo.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa jilayaasha taxanaha Hercai mushaarka ay ku qaataan halkii xalqo ee taxanahaan.

-Aziza Aslan Bet oo ah laadarada taxanahaan ayaa halkii xalqo ku qaadato 15,000 oo liiro.

-Azad wuxuu qaataa halkii xalqo 10,000 oo liiro.

-Joonol iyadna sidoo kale halkii xalqo 10,000 oo liiro ayay qaadataa.

-Hazar wuxuu lamid yahay Aziza wuxuuna qaataa 15,000 oo liiro.

-Reyyan oo ah atariishada taxanahaan ayaa qaadato 35,000 oo liiro.

-Miran oo ah hogaamiyaha ayaa isna sidoo kale 35,000 oo liiro ku qaato halkii xalqo.

Qarashaadkaan ay jilayaasha ku qaataan taxanahaan ayaa ah mid aad u liito markii loo fiiriyo lacagaha waalida ah ee taxanaha kasoo xareeyay gudaha turkiga iyo daafaha caalamka wuxuuna gaaray guul weyn

Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Burak Ozcivi oo hogaamin doono taxanaha Dirilis Osman uu halkii xalqo ku qaadan doono 500,000 oo liiro waana lacag ka badan dhamaan jilayaasha taxanaha Hercai mushaarka ay ku qaataan halkii xalqo isku darkooda oo dhan.

Kanaalka Filimside Media kala soco wararka Hercai oo Update ah waakana Link-g hoose kudhufo oo daawo Subscribe na saaro:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here