Jennifer Lopez waa fanaanad sidoo kalana ah atariisho Hollywood ah waxayna kamid tahay shakhsiyaadka ugu caansan aduunka ayadoona fanka iyo Hollywoodkaba qeyb ka ah ku dhawaad 30 sano.

Atariishadaan ayaa hantideeda lagu qiyaasaa 400 Million dolar ayadoona dakhligeeda sanadlaha ah lagu qiyaaso 40 Million oo dolar balse waxay hantideeda kor u kici doontaa markii ay guursato ninka Basket Ballka cayaaro ee lagu magacaabo Alex Rodriguez kaasoo hantidiisa lagu qiyaasay 575 Million.

Alix Rodriguez hantidiisa intaas kaliya kuma eka sidoo kalana wuxuu leeyahay shirkad ku fadhiso 300 oo Million taasoo totalka hanitdiisa kor u dhaafsiineyso inkabada 1Billion oo dolar.

Jennifer mudadii u dhaxeysay 2016dii ilaa 29019kii dakhligeeda heesaha iyo showyada ay qabato kaliya kasoo galay ayaa kor u dhaafay 100 Million oo dolar waxayna Jennifer Lopez tani ka dhigeysaa mid kamid ah shakhsiyaadka dumar ugu hantida badan aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here