Ma runbaa in Aishwarya Rai uurkeedii labaad leedahay? Iyo sawir cadeynayo.

0
969

Aishwarya Rai waxay kamid tahay atariishooyinka ugu quxudba badan taariikhda Bollywoodka hadeysanba koowaad aheyn iyadoona horay ugu guuleysatay boqorada quruxda sanadkii 1994tii.

Aish waxaa qabo una dhaxdaa jilaaga Abhishek Bachchan iyagoona aqal galay sanadkii 2007dii waxaana u joogto hal gabar oo ay isku dhaleen 2011dii balse baryahaan waxaa la isla dhexmaraayay hadii ay doonayaan in ilmo labaad isku dhalaan.

Inkastoo su’aalahaas aysan marnaba ka jawaabin hadana waxaa lasoo helay sawir shaki abuuri karo in Aish uur leedahay kadib markii lasoo bandhigay sawir iyada iyo Abhi gacmaha is heystaan xili meel xeeb ah marayeen waxaana sawirka laga dareemi karaa in caloosha Aish soo buurantahay taasoona durba loo fasirtay iney uurkeedii labaad leedahay.

Hadaba adiga halkaan hoose ka arag sawirka oo inooga jawaab hadii ay uur leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here