Ma runbaa in Amitabh Bachchan uu isaga fariistay gabi ahaanba fanka India?

0
545

Jilaaga Amitabh Bachchan waa mid kamid ah jilayaasha ugu waaweyn uguna caansan guud ahaan fanka India hadii uusanba koowaad aheyd wuxuuna Fanka India qeyb kayahay 50 sano.

Jilaagaan oo baryahaanba lasoo darseen xanuuno soo laablaabteen ayay dhakhaatiirta dhowr jeer ugu baaqeen inuu nasto misna gabi ahaanba howlaha shaqo joojiyo inkastoo uu inbadan kadhago adeegay inuu talada dhakhaatiirta qaato hadana waxay u muuqataa in ugu dambeyn uu taladooda qaatay.

Amit ayaa soo qoray; “waa waajib inaan fariistaa waayo madaxa arimo kale ayuu ka fakarayaa halka farahana ay howl kale haayaan tanina waa dhambaal la iisoo dirayo”

Amitabh ayaa sida hadalkiisa laga dareemaayo sheegay in la gaaray xiligii uu ka fariisan lahaa fanka iyo jiliinka maadaama waxa uu ku fikiraayo iyo howsha uu haayo sinaba isku laheyn.

Jilaagaan rugcadaaga ah ayaa haatan waxaa sanadka dambe u diyaarsan isla markaasna duubis lagu wadaa 4 filim waxayna u muuqataa in filimadaas yihiin kuwii ugu dambeeyay ee aan shaashada kaga arki doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here