Ma runbaa in Hazal Kaya markii dhasho fanka isaga bixi doonto iyo xiliga ay dhali doonto oo shaaca laga qaaday.

1
1644

Atariishada Hazal Kaya waa mid kamid ah atariishooyinka loogu jecelyahay gudaha turkiga iyo daafaha caalamka kadib markii jamaahiirteeda kusoo jiidatay qaab jiliin indho qabad leh.

Hazal Kaya ayaa 6dii bishii Febraayo ee sanadkaan guursatay soo saaraha lagu magacaabo Ali Atay waxayna haatan u leedahay uur bilooyin ah iyadoona lagu soo waramayo in bisha oktoobar ee sanadkaan dhali doonto cunugeedii ugu horeeyay.

Hazal ayaa su’aalo la iska weydiinaayay hadii ay fanka ka fariisan doonto markii ay cunugeedii ugu horeeyay dhasho balse Hazal ayaa arintaas biyo qabow ku shubtay waxayna sheegtay in hooyonimadeeda iyo shaqadeeda fanka wax shaqo isku laheyn isla markaasna ay sii wadi doonto howlaheeda jiliin iyo taxanayaasha ay kasoo muuqan doonto.

Arintaan ayaa waxay farxad u tahay jamaahiirta Hazal kuwaasoo ka cabsi qabay in fanka isaga baxdo kadib markii ay hooyo noqoto una go’do barbaarinta ubadkeeda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here