saaxiib aad iskugu fiican wakhti badan. Saaxiibtinimada ka dhaxaysay xidigahan ayaa waxa ay gaartay heer ganacsi ay ku shuraakoobaan.

Lamaanahan ayaa ah mid kamida lamaanayaasha loogu jecel yahay jiliinkooda iyaga oo filimada ay ka midka yihiin Yess Boss, Darr, Raju Ban Gaya Gentleman iyo Paheli ay soo wada jileen.

Hadaba waxa layaab noqotay kadib markii atarishadani diiday inay daawato filimka Shahrukh khan ee Dilwale kaaso SRK ay lahogaamiyeen xidigaha kala ah Kajol, Varun Dhawan iyo Kriti Sanon.

waxaanay Juhi ku jawaabtay markii la waydiiyey sababta ay u daawan wayday filimkan “Anigu ma maqlin waxyaabo badan oo aan ku daawado filimkan, sidaa darteed waa inaan iska dhaafaa… waa iska caadi xataa hadii aanan daawan wax macno ah ma samaynayso.”.

Waxa kale oo ay sheegtay inay mar walba jeceshahay inay la shaqayso SRK. waxa ay intaas raacisay “Aamir Khan iyo Shah Rukh waa atoorayasha ugu fiican Bollywoodka ani ahaan marka loo fiiriyo, Waxa aana heerkan ku gaaray waa la shaqayntooda, aadna waan u jecelahay inaan mar kale la shaqeeyo Aamir iyo SRK.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here