Sanadkii 2001 xantii ugu weyned waxay ahed in Kajol la furi lahaa kuna sigatay maadama kasoo dhaceen ilmo caloosha ay kuwaday intii ay duubeysay filimkii Kabhi Khushi Kabhie Gham ee la daawaday 21 December 2001.

Xan badan ayaa daafaha caalamka la isla dhexmaray haba ugi badnaato dadka Soomaalida dhankooda sida guud Ajay iyo Kajol 1999 ayee aqal galeen 2 caruur ah ayaana u joogaan.

Ajay Devgn

Mid waa gabar oo dhalatay April 2003 laguna magacaabo Nysa Devgn halka Yug Devgn oo wiil ah uu dhashtay 2010 mana jiraan warar cadeynayaa in Kajol waligeed ilmo kasoo dhaceen ama dilmeen iskabada iyadoo duubis filim ku gudajirte.

Kajol And Ajay Devgn

Waxaa la sheegay Ajay Devgn inuu ka maseeray Shah Rukh Khan sido kalena uu furi lahaa Kajol dhamaadkii 2001 maadama Kajol oo xaas ah muuqaalo dareen ah la duubtay SRK filimka KG3 hadana waxaa la raaciyayi in ilmo ay caloosha kuwaday kasoo dhaceen ama gudaha caloosha ku dhex dhinteen iyadoo dhib kasoo gaaray duubista KG3.

Inkastoo xaqiiq ahen warkaan oo wax cadeyn ah loo heynin hadana qodobadan marka lagu qiimeyo sheekadan waxba kajira ayaa is leedahay bal hoos ka eeg. Kajol Filim jilista ayee joojisay wixii ka dambeyay KG3 oo 2001 la daawaday 2006 ayeena Fanaa la timid micnaha 5 sano shaashada laguma arag.

Ajay Devgn and Kajol

Sidaa aawged hadii ilmo kaga dilmeen KG3 iyada iyo Ajay waa macquul inee isku afgarteen inee fanka in mudo ah u joojiso si ay caruur udhalaan. 1999 ayaa la guursaday 2003 ayeena gabadhii curadeeda ahed dhashay waa macquul in 2001 ilmo ka dilmeen marka loo eego in 2003 ay dhashay inkastoo waqtii Alle qoraa ubad la helo.

Kajol wixii KG3 ka dambeyay aflaam badan oo ay SRK la sameeyn laheed ayee diiday sida Kal Ho Na Ho, Veer-Zaara, Chalte Chalte, Kabhi Alvida Na Kehna iyo kuwa kale waana macquul iyadoo Ajay xushmeyneysa inee joojisay la shaqeynta sasxiibka ay Bollywoodka ugu jeceshahay ee King Khan.

Ajay and Kajol

2006 Aamir Khan ayee la shaqeysay maxaa diiday inee SRK la shaqeyo balse sheekada markee dagtay oo Ajay 2 caruur loo dhalay uuna aad u faraxsanyahay ayuu u ogoolaaday SRK inee dib ula shaqeyso 2010 My Name Is Khan ayee la sameeysay halka 2015 Dilwale ay la sameysay marka sheekooyinka hadii dhankaan laga cabiro wax walbo dhacau 2001 waa run ayaa is leedahay hadana wax xaqiiqo ah ma ahan oo si run udhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here