Ma runbaa in Messi uu necebyahay Antonio Gerezman?

0
818

Inta badan waxaa la shaaciyaa xiriirka xun ee ka dhaxeeyo xidiga reer Argentin isla markaasna ah hogaamiyaha kooxda Barcelona Lio Messi iyo laacibka reer France isla markaasna dhawaan galka ku ah kooxda Barcelona ee Antonio Gerezman, kuwaasoo la sheegay ineysan isla hadlin tan iyo sidoo Gerezman kooxdaasi ugu soo biiray.

Messi ayaa la sheegaa inuusan marnaba la hadlin xitaa fariin soo dhaweyn u dirin laacibka cusub ee kooxdaasi Barcelona Antonio Gerezman waxayna wararku intaas ku darayaan inuusa xitaa xiliga tababarka wax salaab ah is dhaafsan  waana arimo nagu riixay inaa is weydiino su’aasha ah MESSI MA NECEBYAHAY GEREZMAN??

Su’aashaan markii laweydiiyay Gerezman maalintii talaadada oo shalay ku beegneyd taasoona ku saabsaneyd xiriirka kala dhaxeeyo gooldhaliyaha ugu sareeyo kooxda Barcelona ma uusan inkrinin guuleystaha koobka aduunka ineysan isla hadlin Messi isla markaasna xiriirkooda uusan cago adag ku taagneyn wuxuuna qirtay sidey dhib u tahay lahadalka Messi tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Barcelona.

Gerezman ayaa tilmaamay in Messi yahay shakhsi aan inta badan hadlin asigana uu lamidyahay sidaas owgeed ay aad u adagtahay iney wada sheekeystaan wuxuuna yiri; inagu waxaan nahay labo saaxiib oo kooxda mideysay waana inaan baranaa sidaan u wada xiriiri laheyn isla markaasna isku hormarin laheyn anigu waxaan Barcelona u joogaa sidii aan kooxda u caawin lahaa.

Kulankii ugu horeeyay ee labadaan laacib garoonka ku mideeyay ayaa ahaa cayaar ay la lahaayeen kooxda Villareal labo isbuuc kahor kulan ka tirsanaa Horyaalka Spain ee La Liga cayaartaasoo uu Messi ka caawiyay Gerezman inuu dhaliyo goolka guusha cayaar kusoo idlaatay 2-1 oo ay Barcelona ku badisay.

Sida uu qoray Radio Cotalania sababta uu Messi ula hadlin Gerezman iney tahay arimo dhaqaale owgeed kaasoona salka ku haayo mushaarkiisa kadib markii Barca iyo Messi wakiilkiisa isku raaceyn in dib loo dhigo bixinta mushaaraadka Messi bacdamaa ay sheegeyn in qasnada kooxda ay haatan faaruq tahay blasé mudo yar kadib Barca ayaa 120 Million oo Euro ka bixisay Antonio Gerezman.

Saxaafada Spain waxay qoreen in Messi uu yahay xaakinka kooxda Barcelona siduu u yahay xaakinka qaranka Argenitan qofkii uu ka caroodana uu kubad ahaan u burburiyo waana sababta uu Gerezman tan iyo markuu Barca kusoo biiray ugu dadaalayay inuu wanaajiyo xiriirka kala dhaxeeyo Lio Messi.

Dhamaan arimahaan waa kuwa aan si rasmi ah u cadeyn balse sheekada xagey kasoo bilaabatay?

Sheekada waxay soo bilaabatay 2018dii markii la shaaciyaya saxaafadana qoreen wararka Gerezman la xiriirinaayay Barca waxaa maalintaas Messi la weydiiyay arinka heshiiska Gerezman wuxuuna ku jawaabay in uu soo dhaweynaayo asigoona yiri; waa wax fudud inaad la ciyaartid laacibiinta kuwooda ugu fiican Gerezmana waa mid kamid ah waana laacibiinta safka koowaad markastana halkaan waan kusoo dhaweynayaa .

Balse kadib markii France ay koobka aduunka kareebtay qaranka Argentina oo Messi hogaamiyo wuxuu cadeeyay Gerezman inuusan dooneynin ku biirista Barcelona sababtuna ay tahay Messi dartiis.

Gerezman halkaas kuma ekaanine wuxuu sheegay in mustawihiisa uu dhigaayo kuna heeryahay khaanada ay ku jiraan Messi iyo Ronaldo.

Arintaas waa sababta rasmiga ee Messi u necebyahay uusana ula hadlin Antonio Gerezman waxaana intaas usii raacdo inuu aaminsanyahay in maamulka kooxda Barcelona aysan awoodooda dhan isugu geynin soo celinta Neymar bacdamaa ay 120 Million ka bixiyeen laacib horay u sheegay inuusan kooxda rabin.

Hadaba Gerezman waa inuu helaa kalsoonida Messi isla markaasna kasbadaa hadii uu doonayo inuu guulo ka gaaro kooxda Barcelona hadii kale sidaan ayuu u takoornaan doonaa waxaana macquul ah inuu maro wadadii uu horay u maray Coutinho oo kooxdaas ku fashilmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here