Ma runbaa in Miran aabihiis Hazar dhaawaca gaarsiiyay iyo taxliil ku saabsan xalqada 21aad ee taxanaha Hercai.

0
2800

Waxaa xalay lasoo daayay taxanaha Hercai xalqadaiisa 21aad waxaana lagu soo bandhigay dhacdooyin xiiso leh haba ugu darnaatee in Hazar uu sheegay qofka soo riday misna dhaawaca gaarsiiyay inuu Miran yahay.

Hadaba su’aasha waxay tahay ma runbaa in Miran yahay qofka dhaawaca u geystay Hazar?

Aniga xalqada guud ahaanteeda waan daawaday waana u kuur galay waxaana iisoo baxday in Miran uusan aheyn qofka dhaawaca u geystay Hazar.

Hadaba hadey sidaas tahay maxaa Hazar ku kalifay inuu dhaho Miran ayaa isoo riday asigoo og inuusan aheyn?

Jawaabta su’aashaas waxay u badantahay iney tahay Zahra waayo markii Hazar uu dhaho Miran ayaa dhibkaan ii geystay wuxuu u dhahaa qaab asigoo ka xun misna been sheegaayo sidoo kalana Zahra hoos ayay fiirinee oo wax ayay isku ogtahay mana hadleyso oo Reyyan kuma dhaheyso soo kuuma sheegin in Miran kadambeeyo iwm waxayna ubadantahay in Zahra iyo Hazar sidii Miran uga reebi lahaayeen Reyyan oo aysan qasriga Caziiza markale ugu laaban ay beentaas u sheegeen.

Hadaba hadii Miran soo ridin Hazar waa kuma qofka soo riday?

Waxay u badantahay labo midkoo in Aziiza ka dambeyso ama Suldana ka dambeyso waxaa kale oo shaki abuurayo in iiliif shoog qaaday tan iyo siduu Hazar u dhaawacmay su’aashana waxay tahay maxay aragtay oo kalifay iney shoogaas qaado?

Koleey war jiraaba cakaaruu iman balse aniga ahaan ilama ahan in Miran uu dhaawaca u geystay Hazar.

Taxliilkaan yar waa mid aragtideyda gaarka ah ku cabiraayo kuma turjumaayo dhacdooyinka xalqada sidoo kale adigana aragtidaada gaarka ah waad nala wadaagi kartaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here