Hadaba waxaa jiraan sheeko qoreyso in Zahra oo ah hooyada Reyyan ay gabadhaas u dhashay Hazar taas oona hadii xaqiiqo ay noqoto ka dhigeyso in Miran iyo Reyyan walaalo yihiin markii labaadna is guursan rabaan.

Sheekada ayaa waxay intaasi ku dareysaa in Aziza arinkaan ka dambeyso iyadoona uu qeyb ka yahay aargoosigeeda waxaana dhamaanteen wada ognahay in Miran uu dhalay Hazar balse Aziza ku daneysanooso iyadoona ku beer laxowsaneyso inuu yahay wiilka ay ayayda u tahay hooyadiis iyo aabihiisna uu dilay Hazar.

Sidoo kale waxaa arintaan basiin kusii shubi karto in Reyyan aabaheeda aanan wali la arkin iyo cida ay ka dhashay Zahra.

Wararkaan ma ahan kuwa sal iyo raad leh balse waa warar kutiri kuteen iyo sheeko ay saxaafada taxanaha ka qortay balse aniga ahaan marnaba macquul ilamaha ahan waxayna u badantahay in Hazar uusan dhalin Reyyan balse uu yahay aabaha Miran.

Akhristow adiga sidee kula tahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here