Ma runbaa in Sidharth Malhotra uu gabi ahaanba fanka iska casilay?

1
1246

Waxaa baryahaan soo baxay warar sheegaayo in jilaaga Sidharth Malhotra uu gabi ahaanbo isaga baxaayo fanka India iyo jiliinka oo dhan isla markaasna uu nasasho galaayo.

Kadib fashilkii is xigxigay ee jilaagaan ku habsaday filimadiisii ugu dambeeyay waxaa soo baxeen wararkaan kuwaasoo ay intooda badan saxaafada qoreen.

Hadaba jilaagaan ayaa arinkaas su’aal laga weydiiyay haduu dhab yahay iyo hadii kale wuxuuna Sidharta sheegay ineysan wararkaasi waxba ka jirin.

Sidharth ayaa intaas ku daray inuu rajo ka qabo inuu guuleysto mashruuciisa xiga ee Marjaavaan kaasoo lagu wado inuu dhawaan soo baxo wuxuuna sheegay in soo saarayaasha filimada ay ku kalsoonyihiin wuxuuna biyo qabow ku shubay wararka ah inuu fanka isaga fariisanaayo xitaa si kumeel gaar ah.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here