Waagii hore laga soo bilaawo 90-maadkii ilaa bilawgii qarnigaan inta aan shineemooyinka gudaha Somalia laga mamnuucin waxaa la isla dhexmaraayey sheekooyin badan oo qaarkood dadka Soomaalida iyaga uun iska sameysteen sheekooyinkaaso ku saabsan fanka hindiya iyo Bollywoodka.

Mid kamid ah sheekooyinkaas waxaa kamid ah in Bollywood Action Hero Suniel Shetty la dhaho lug ayaa ka jabtay intuu duubayey Filimka Anth ee la daawaday sanadkii 1994 sido kalena Action-ka ahaa.

Sheekadan waa run in Suniel ficil halis ah sameeyay sida Screen Star wargeys ladhaho sanadkii 2003 sheegay kana soo xigtay kooxda Filimka, Suniel waxuu duubaayey ficil halis bada oo uu mooto saaran yahay sido kalena uu ka dul boodaayo isaga iyo mootadaba baabuur uu wato kaabo laadarka Filimka (Paresh Rawal).

Nasiib xumo Suniel waa dhacaa lugta ayuuna ka dhaawacma waliba dhaawac halis ah ayaa soo gaaray sanadkaas balse lama sheegin wax jabniin ah oo lugta ka jabtay ah dadka Soomaalida ayaa kudarsadeen inuu lugta ka jabay waana sheeko aan xaqiiqdeeda la heynin.

Ficilkaas halista badan Suniel waxuu kaga dayday atooraha uu taageeraha weyn u yahay ee Van Dame kaaso ficilkaan kusoo bandhigay filimkii Hard Target Suniel-na ficilkaan oo hindi ah ayuu isku dayaayey inuu sameeyo balse dhaawac ayaaba kasoo gaaray.

Lasoco qeybaha dambe sheekooyinka Bollywood ee Soomaalida dhexdooda caanka ka ah qaarkood waa xaqiiq halka kuwa kalena iyaga iska sameysteen…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here