Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan sida uu sheegtay waxuu heesta diinta Islaamka oo muslim ayaan ahay ayuu dhahay waaggii uu fanka hindiya soo galaayey sido kale taariikh ahaan marka dib loo raaco asalka qoyska waa muslimiin.

Balse qofka diinta waa bedelan karaa maanta dunida wax iska caadi ah ayee ka noqotay marka bulshada loo fiiriyo inkastoo arinkaan diinta Islaamka dhankeeda wax caadi ah ka ahen hadaba maxaa ka jira wararka sheegayaan ee xanta ah in SRK jaceylkiisa aawgii diinta islaamka oga baxay.

Marka hore waa war xan ah oo aan rasmi ah ahen balse aan taxliil kusameyno xaalka SRK iyo caqiidadiisa iyo xaaskiisa darted waxa uu u sameeyay fadlan hoos kaga bogo macluumaadkan.

1-SRK waxuu guursaday Gauri Khan oo ah haweeyney diinta hinduuga heysata arooskoodana waxuu udhacay qaab islaamka waafaqsan iyo qaab dhaqanka hinduuga ahba.

2-SRK waxuu afkiisa ka sheegay 10-sano kahor inuu 5-salaad waajibka ah tukado sido kale caruurtiisa diinta islaamka uu wax ka baray kutubka Qur’aankana akhristaan balse taas bedelkeed ay sido kale ku dhaqmaan diinta hooyadod ee hinduga ah gurigana sanam hooyadod ay ka duceysato ayaa u yaalo micnaha labada diinba wey kudhaqmaan qoyskan.

3-SRK isla waeysigii 10-sano kahor waxuu ku sheegay inuu diinta islaamka wax badan ka bartay sida Siirada Nabiga SCW, axaadiithka qaar uuna yahay m Muslim Sunni ah.

4-SRK 10 sano kadib ama bishii Janaayo ee sanadkaan 2020 waxuu wareysi kusheegay inuusan ku fiicneen tukashada salaada oo micnaheeda ah inuusan tukan inta badan.

5-salaadood waajibka ah waxuuna raaciyay hadalkiisa inuu muslim yahay kuna faano arinkaa balse salaadii dhankeedii culeys ka heesto.

6 -SRK xaaskiisa maadama ay Hindu tahay waxuu u ogolaaday ine guriga ku isticmaasho diinteeda iyo dhaqankeeda waxuu kaloo u ogolaaday caruurtiisa ine hooyadod kula dhaqmaan diintooda isaga diintiisana kula dhaqmaan.

Labada qodob ee dambe ayaa xoogaa shaki keentay in SRK diinti Islamka meel cidlo kasoo istaagay oo dad badan ay dhaheen SRK hindu waxba ma dhaamo maadama sheydaankiisa iyo xaaskiisa jaceyl uu uqabo aawged sidaas u sameeyay hadaba akhriste adiga cabir saar marka aad xogtaan isku keento iyo xog kaloo adiga goonidaada u raadisaba xaalka SRK ee caqiidadiisa maxay kuula muuqata laakiin mid ogsoonow marwalba isaka waxuu dhahaa aniga waxaan ahay qof muslim ah oo towxiidka heesta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here