Ma waxaa lagaaray xiligii uusoo gabo gaboobi lahaa waayihii fanka ee jilaa Amitabh Bachchan iyo dhakhaatiirta oo jilaagaan digniintii ugu dambeeyay siiyay.

0
2206

Inta badan dhakhaatiirta ayaa shakhsiyaadka ay caafimaadkooda masuulka ka yihiin ku amro markii ay gaaraan da’da 70ka sano iney joojiyaan dhamaan howlihii ay qaban jireen isla markaasna nasiino galaan waayo jirkooda wixii 70 sano ka dambeeyo shaqo ma aqbali karo.

Balse waxaa jiraan shakhsiyaad fara kutiris ah kuwaasoo ka madax adeego talooyinka dhakhaatiirta siiyaan waxaana kamid ah jilaaga caanka ee Mega Star Amitabh Bachchan kaasoo haatan ku gudo jiro da’diisii 77aad.

Jilaagaan oo dhawaan isbitaal loola cararay kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad dari asigoona ka jiran beerka isla markaasna caafimaadkiisa taam aheyn ayay dhakhaatiirta toogtaan uga digeen inuu sameeyo wax shaqo ah waxayna kula taliyeen inuu nasiino galo midaasna ay caafimaadkiisa ku xirantahay.

Amitabh Bachchan ayaa filimkii ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqday yahay filimka Badla oo uu soo saare kayahay Sujoy Ghosh wuxuuna sidoo kale qeyb kayahay mashaariic intooda badan TVyada xiriir la leh.

Jilaagaan lagu tilmaamo jilaagii ugu fiicnaa abid Bollywoodka soo maray ayay haatan u egtahay in la gaaray xiligii uu sida rasmiga uga fariisan lahaa fanka iyo jiliinka balse waxaan sugnaaba ayaa ah hadii jilaagaan qaadan doono talada dhakhaatiirta iyo hadii uu iska dhaga tiri doono howlihiisana iska wadan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here