Ma xaad kala socotaa qaabkii ay ku kala hareen Sidharth Malhotra iyo Alia Bhatt iyo sababtii ka dambeysay in lamaanahaan toos u kala haraan?

0
2439

Ali Bhatt iyo Sidharth Malhotra waxay mar kamid ahaayeen lamaanayaasha Bollywoodka kuwooda loogu jecelyahay ayagoona jilayaashaan isku barteen filimkii ay kusoo caan baxeen labadoodaba ee Student of The Year kaasoo soo baxay 2012dii.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa ka dhaxeeyay xiriir qoto dheer iyagoona mudo sanado wada socday jaceylkoodana uu noqday mid meelkasta gaara balse sanadkii 2017dii ayay halmar wax walba is badaleen kadib markii labadaan lamaane kala hareen.

Hadaba sidee wax u dhaceen;

Ugu horeyn waxaa soo if baxeen warar xan ahaa kuwaasoo Sidharth Malhotra la xiriirinaayay atariishada Jacquelina Fernandez  taasoo ay dhowr filim isla keeneen waxaana xiriirkii saaxiibtinimo ee Siharth iyo Jacqueline circa galiyay saxaafada kuwaasoo ka dhigay in Sid uu Alia ka doortay Jacqueline.

Balse waxaa soo baxday in Sidharth iyo Jacqueline kaliya ay ahaayeen saaxiibo dhanka jiliinka wax xiriir ahna uusan ka dhaxeynin.

Kadib waxaa soo baxday wararka Alia la xiriirinaayo ninka lagu magacaabo Ali Dadarkar kaasoo ay Alia saaxiibo ahaayeen kahor inta aysan fanka kusoo biirin.

Alia iyo Ali ayaa lamaane jaceyl ahaa kahor inta aysan Alia fanka kusoo biirin balse wey kala hareen sidaas oo ay tahayna saaxiibo ayay sii ahaayeen waxaana soo baxeen xanta ah in Alia ay dib ugu laaban doonto jaceylkeedii hore ee Ali Dadarkar waxaana arinta dab kusii shubay markii sawiro laga soo qabtay Alia iyo Alia oo siwadajir ah dhowr munaasabadood uga qeyb galaayo.

Ayadoo xaalku cakiranyahay misna halkaas maraayo ayay Alia wareysi ay bixisay ku sheegtay in arimo guur iyo xiriir jaceyl midna usoo jeedin haatana ay diirada saari doonto nolosheeda fanka iyo guulaheeda ayadoona sheegtay in filimka Raazi oo ay markaas jiliinkiisa waday waqtigeeda dhan galin doonto hadalheyn iyo xana aysan jaanis u heynin.

Waana markii uu soo gabo gaboobay xiriirkii jaceyl ee mudadii sanadaha socday kaasoo Sidharth kala dhaxeeyay Alia Bhatt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here