Ma xishoode; taxanihii oo bilaaban miyuu Kadir Dogulu bilaabay inuu uga maseero xaaskiisa Neslihan Atagul jilaaga Engen Akyurek?

0
2357

Waxaa lagu wadaa in jilaaga weyn ee Engen Akyurek iyo atariishada aan ka dhicin ee Neslihan Atagul lagu mideeyo taxanaha Sefirin Kizi (Gabadhii Safiirka) kaasoo dabayaaqada sanadkaan soo bixi doono hase yeeshee durba waxaa bilowdeen wararka maseerka Kadir.

Kadir Dogulu ayaa ah ninka qabo atariishada Neslihan wuxuuna caan ku yahay dabeecada maseerka asigoona arintaan darteed isugu dhaceen saaxiibkiisa Burak Ozcivit oo uu uga maseyray xaaskiisa Neslihan xiligii uu socday taxanihii Kara Sevda.

Kadir ayaa aad uga maseeray muuqaalo dareen u badan oo ay shaashada ku wadaageen  Burak iyo Neslihan wuxuuna dhowr mar imaaday goobtii taxanaha lagu duubaayay asigoona buuq meesha ka kiciyay taasoona sababtya in meesha ka baxdo saaxiibtinimadii Burak iyo Kadir.

Balse haatan waxay u muuqataa in sheekadii dib usoo cusboonaatay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaayo in Kadir uu aad uga maseersanyahay Neslihan kadib markii la sheegay in taxanaheeda xiga la jili doonto jilaaga weyn ee Engen Akyurek kaasoona ah haatan Single aan wax xaas ah laheyn sidoo kalana jaceyl lawada ogyahay laheyn.

Kadir Dogulu ayaa Neslihan iyadoo yar ku bartay taxanihii Fatih Harbiye waxayna noqdeen lamaano is jecel iyagoona ugu dambeyn aqal galay sanadkii 2016dii balse qaadir ayaa markasta ka cabsi qabo in Neslihan siduu ku bartay oo kale aktar kale isku bartaan misna laga afduubto waana sababta maseerkiisa xad-dhaafka keento iyo inuu tago goobaha xaaskiisa shaqooyinka ka qabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here